Wednesday, March 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

France waxaa ay raadineysaa xiriirka Muslimiinta

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
France waxaa ay raadineysaa xiriirka Muslimiinta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka arimaha gudaha ee dalka France Bernard Cazeneuve ayaa kulan la yeeshay culimada Muslimka ah ee degan dalkaas, waxayna isku afgarteen in la wanaajiyo xiriirka ka dhexeeya muslimiinta iyo dowlada isla markaana la unko hey’ad matasha dadka muslimiinta ah oo dhaqaalaha ku baxayana laga bixiyo gudaha France.

Dowladda France ayaa wadahdaladaas u aragta in ay yihiin kuwo bog cusub u fureya wada shaqeyn dhab ah oo ay wada yeeshaan muslimiinta dalkaas iyo xukuumadda.

Related posts

Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo la soo gabagabeeyay “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo la soo gabagabeeyay “SAWIRRO”

March 18, 2026
Tartamayaasha Degmada Hodan oo caawa ku guuleystay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Hodan oo caawa ku guuleystay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

March 17, 2026

Wadahadalka ay yeesheen wasiirka arimaha gudaha iyo xubnaha matalayay muslimiinta ayaa waxaa uu ka dambeeyay khilaafkii ka dhashay mamnuucidii ku dhowaad 30 magaalo oo dalka France ka tirsan ay ku soo rogeen in haweenka muslimka aysan qaadan karin dharka lagu dabaasho ee jirka oo dhan qariya.

Anouar Kbibech, oo ah madaxa golaha muslimiinta dalka France ayaa sheegay in uu ku hanweynyahay in kulankii Isniintii uu ahaa bilow wanaagsan.

“Horumarinkan wanaagsan waxaa uu dhameyn doonaa dhibaatada ka dhalatay mamnuucidda dharka ay xirtaan dumarka muslimka ah ee loo yaqaano  burkini,” ayuu yiri.

Wasiirka arimaha gudaha dalka France Bernard Cazeneuve, ayaa carabka ku adkeeyay in sharciga dalkaas  uu tixgelinayso diinta isla markaana ay aaminsan yihiin kala sooca diinta iyo dowladda.

 Mr. Cazeneuve, ayaa sidoo kale sheegay in dhismaha ururkan uu doorkiisu yahay isku xirka muslimiinta France iyo dowladda.

Dhowaan maxkamadda sare dalkaas ayaa waxaa ay daaqadda ka tuurtay go’aanka lagu mamnuucay dharka Burkiniga loo yaqaano oo gabdhaha muslimiinta ah ay ku dabaashaan.

Previous Post

Maamul jubaland oo hakinaayo qaxootiga ka soo laabanaayo dhadhaab..

Next Post

Qarax dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay Muqdisho

Next Post

Qarax dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay Muqdisho

Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo la soo gabagabeeyay “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo la soo gabagabeeyay “SAWIRRO”

March 18, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale iyo Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo...

Tartamayaasha Degmada Hodan oo caawa ku guuleystay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Hodan oo caawa ku guuleystay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

March 17, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Gobolka Banaadir oo deeq lacageed oo Ciid-siin ah u qeybiyey dad baahiya gaar ah qaba

Gobolka Banaadir oo deeq lacageed oo Ciid-siin ah u qeybiyey dad baahiya gaar ah qaba

March 17, 2026
0

Guddoomıyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdısho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta deeq lacageed oo Ciid-siin ah...

Hay’adda SoDMA oo Maalintii 3-aad Gurmad Biyo Dhaamin ah ka waddo Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo Maalintii 3-aad Gurmad Biyo Dhaamin ah ka waddo Baydhabo

March 17, 2026
0

Maalintii 3-aad, Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed si gaar ah gudaha iyo tuulooyinka ku xeeran magaalada Baydhabo, waxaa si xowli ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In