Wednesday, December 24, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Gaalkacyo: Maxkamadda CQS oo xukunno isugu jira dil iyo Xabsi ku riday Askar ka tirsan XDS

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Gaalkacyo: Maxkamadda CQS oo xukunno isugu jira dil iyo Xabsi ku riday Askar ka tirsan XDS
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida  Qeybta Galmudug ayaa shalay galinkii danbe  u fariisatay dhageysiga  Dacwad loo heysto eedeeysanayaal ka tirsanaa Ciidanka Gor gor ee xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo kala ahaa Dable xoogga Iidle Cumar Idiris kana mid ahaa  guutada 18 aad ee ururka 6aad ee ciidanka Gor Gor kaas oo  xafiiska xeer ilaalintu kusoo eedeeyay inuu dil bareer ah  u geystay Allaha u naxariistee Marxuumad Bilan Xaashi Salaad oo uu  ku dilay Dagmada Xarardheere taariiqdu markeey aheyd 29/06/2023 iyo Dable Qaasim Ciise Maxamed oo ku eedeysnaa in uu ku caawiyay dilka Bilan Xaashi Salaad oo  u dhiibay Qoriga  dilka lagu geystay

Gudoomiyaha Maxakamada Ciidamada Qalabka sida Qeybta Galmudug Gaashaanle dhaxe Cabdullaahi Abuukar Xasan (Cabdullaahi Dheere). ayaa ugu horeeyn u akhriyay labada eedeeysane Dacwadda  uu kasoo gudbiyay xafiiska xeer ilaalinta.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

December 24, 2025
Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.    

Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.   

December 24, 2025

Intaas kadib waxaa maxkamadda la horkeenay Marqaatiyaashii goob jooga ahaa markii uu dhacayay falka dilka ah

Kormeere koowaad  Xamdi Maxamuud Maxamed oo aheyd baarihii kiiska ayaa ka warbixisay baritaankii ay sameeyeen iyo natiijadii kasoo baxday

Xeer ilaaliyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Qeybta Galmudug Gaashaanle Sare Cabdulaahi Maxamed Muuse Keyse ayaa ka codsaday Garsoorka Maxkamadda in lagu xukumo ciqaab u dhiganta Falka ay geeysteen

Qareenkii u doodayay eedeeysanayaasha ayaa isna maxkamadda ka codsaday in fursad loo siiyo eedeeysanaha koowaad oo ah Iidle Cumar Idiris in ay ka wada hadlaan eheladiisa iyo tan marxuumadda geeriyootay, isagoo dhanka kalana difaacay eedeeysanaha labaad oo ah Qaasim Ciise Maxamuud

Gudoomiyaha Maxakamada Ciidamada Qalabka sida Qeybta Galmudug Gaashaanle dhaxe Cabdullaahi Abuukar Xasan ayaa soo xiray shalay fadhigii koowaad Maxkamadda.

Dhinaca kale Maxkamadda oo maanta u fariisatay fadhigii labaad ee eedeeysanayaasha ka tirsan Ciidanka Gor Gor ee xoogga dalka ayaa ku dhawaaqday Xukunka

Gudoomiyaha Maxakamada Ciidamada Qalabka sida Qeybta Galmudug Gaashaanle dhaxe Cabdullaahi Abuukar Xasan (Cabdullaahi Dheere) ayaa ku dhawaaqay xukunka,  isagoo sheegay in eedeeysanaha koowaad oo ah Dable Xoogga Iidle clCumar Idiris Barrow ay Maxkamadu ku xuntay dil toogasha ah, halka eedeeysanaha labaad ee ah Qaasim Ciise Maxamed lagu Xukumay Labo Sano oo Xabsi Ciidan ah ayna u furan tahay racfaan muddada sharcigu qabo






Previous Post

Wasiirka Qorsheynta XFS oo qaabilay George Conway oo ka tirsan Qaramada Midoobay “SAWIRRO”

Next Post

Tababar ku saabsan kaalinta Haweenka ee maamulka Warbaahinta oo ka furmay Kismaayo “SAWIRRO”

Next Post
Tababar ku saabsan kaalinta Haweenka ee maamulka Warbaahinta oo ka furmay Kismaayo “SAWIRRO”

Tababar ku saabsan kaalinta Haweenka ee maamulka Warbaahinta oo ka furmay Kismaayo "SAWIRRO"

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

December 24, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa ka digay xaalad adag oo ka jirta guud ahaan dhulka...

Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.    

Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.   

December 24, 2025
0

La-taliyaha Madaxweynaha JFS ee dhinaca dhaqaalaha, ahna Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka, Dr. Xasan Aadan Hoosow, ayaa shaaciyay in ay soo...

Madaxweynaha KGS oo baaq ku aadan abaaraha u diray bulashada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha KGS oo baaq ku aadan abaaraha u diray bulashada Soomaaliyeed.

December 24, 2025
0

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa kormeer shaqo ku gaaray deegaanno ka tirsan Gobolka Bakool, gaar...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku dhawaaqay heegan buuxa oo la geliyay Gaadiidka Gurmadka Degdegga ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku dhawaaqay heegan buuxa oo la geliyay Gaadiidka Gurmadka Degdegga ah.

December 24, 2025
0

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in waaxyaha Gurmadka Degdegga ah iyo Caafimaadka ay diyaariyeen gaadiid iyo shaqaale ku filan, kuwaas...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In