Friday, January 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Gaari watay Taariko been abuur ah oo la soo qabtay

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
DAAWO: Amniga magaalada Muqdisho oo la adkeeyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xarunta qeybta taliska nabadgaliyada wadooyinka ee Muqdisho ayaa maanta waxaa lagu soo bandhigay gaari nuuca yar yar ah oo sida la sheegay  watay Taargo been abuur isla markaana ciidamada Amniga ay ka soo qabteen saldhiga galbeed ee degmada Dharkenley.

Taliyaha Ciidanka qeybta nabadgaliyada wadooyinka ee ciidanka Boliska Soomaaliyeed Janaraal Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in gaarigan ay soo bandhigeen ay la haayeen Maleeshiyada Kooxda Al-Shabaab isla markaana lagu fliyay dilal ka dhacay magaalada Muqdisho.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo u tacsiyeeyay Tifaftiraha Wakaaladda Wararka SONNA oo xaaskiisa ay ku dhimatay Muqdisho

January 23, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

January 23, 2026

“Gaarigan siduu noo sheegay Taliyaha Qeybta Galbeed wuxuu dad ku laayay degmada Wadajir baabuurkan wuxuu u shaqeynayay qaab taxi oo kale ah wuxuu saaranayay calaamadan waxaa layaab leh in taargadiisuna ay tahay mid maduufiko ah oo sidaa u jeediin gasac caanabore iyo Xaashi leysku dhajiyay waa dad ku talagalay inaa taargadooda dib loo raacin ama aan la baarin”, ayuu yiri taliyaha.

Taliyaha Ciidanka Qeybta nabadgaliyada wadooyinka ee Ciidanka Boliska Somaaliyeed ayaa sheegay in Maleeshiyadii gaarigan dadka ku dili jiray ay baxsadeen balse hal nin laga dhaawacay maleeshiyadaasi intii uu socday howlgalka lagu soo qabtay gaariga watay Taargada Been abuurka ah.

Dhinacakale Janaraal Cali Gaab ayaa digniin adag u diray shirkadaha wax daabaca oo la aaminsan yahay in midkood ay daabacday taargada been abuurka ah ee maanta lasoo bandhigay.

“kuwa taargooyinka waxaan leeyahay hadaa nabad diidka u sameysaan markii la qaabto idinkaa leydin soo kor taagayaa danaana u sheegi doontaan markaas sharcigana waxaa ku muteysataan ayaa leedihiin” ayuu mar kale sheegay taliyaha.

Soo qabashada gaariga la sheegay inay lahaayen Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa imaaneysa xili Ciidamada Nabadsugida iyo Booliska Somaaliyed lagu arkayo Wadooyinka waa weyn ee caasimada Muqdisho iyagoo adkeynaya Ammaanka si ay uga hortagaan falalaka Amni darada ah ee mararka qaar ka dhici kara magaalada Muqdisho.

Previous Post

34 Macalim oo tababar loogu soo xirey Gaalkacyo

Next Post

Maamulka gobolka Banaadir oo ka hadlay amniga iyo nadaafadda Muqdisho

Next Post

Maamulka gobolka Banaadir oo ka hadlay amniga iyo nadaafadda Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta XFS oo u tacsiyeeyay Tifaftiraha Wakaaladda Wararka SONNA oo xaaskiisa ay ku dhimatay Muqdisho

January 23, 2026
0

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEEHI RAAJICUUN Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Da’ud Aweys Jaamac, ayaa ka...

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hay’adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

January 23, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle oo safar shaqo ku jooga dalka Bakistaan, ayaa booqday xarunta Hay’adda...

Wasiirka Warfaafinta XFS “Dowladda xaq ayeey u leedahay in ay laasho heshiis kasta oo wax u dhimaya midnimada iyo madaxbannaanida dalka

Wasiirka Warfaafinta XFS “Dowladda xaq ayeey u leedahay in ay laasho heshiis kasta oo wax u dhimaya midnimada iyo madaxbannaanida dalka

January 23, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa sheegay in go’aanka dowladda ee...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Qaahira kaga qayb galay shirka 29-aad ee golaha Wasiirrada Carabta

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Qaahira kaga qayb galay shirka 29-aad ee golaha Wasiirrada Carabta

January 23, 2026
0

Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa martigelisay shir heer sare ah oo ahaa Kulanka 29-aad ee Golaha Wasiirrada Carabta ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In