Wednesday, March 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Gaari watay Taariko been abuur ah oo la soo qabtay

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
DAAWO: Amniga magaalada Muqdisho oo la adkeeyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xarunta qeybta taliska nabadgaliyada wadooyinka ee Muqdisho ayaa maanta waxaa lagu soo bandhigay gaari nuuca yar yar ah oo sida la sheegay  watay Taargo been abuur isla markaana ciidamada Amniga ay ka soo qabteen saldhiga galbeed ee degmada Dharkenley.

Taliyaha Ciidanka qeybta nabadgaliyada wadooyinka ee ciidanka Boliska Soomaaliyeed Janaraal Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in gaarigan ay soo bandhigeen ay la haayeen Maleeshiyada Kooxda Al-Shabaab isla markaana lagu fliyay dilal ka dhacay magaalada Muqdisho.

Related posts

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda arrimaha gudaha oo dib u magacawday maamulka gobolka Bakool

March 25, 2026
Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

March 25, 2026

“Gaarigan siduu noo sheegay Taliyaha Qeybta Galbeed wuxuu dad ku laayay degmada Wadajir baabuurkan wuxuu u shaqeynayay qaab taxi oo kale ah wuxuu saaranayay calaamadan waxaa layaab leh in taargadiisuna ay tahay mid maduufiko ah oo sidaa u jeediin gasac caanabore iyo Xaashi leysku dhajiyay waa dad ku talagalay inaa taargadooda dib loo raacin ama aan la baarin”, ayuu yiri taliyaha.

Taliyaha Ciidanka Qeybta nabadgaliyada wadooyinka ee Ciidanka Boliska Somaaliyeed ayaa sheegay in Maleeshiyadii gaarigan dadka ku dili jiray ay baxsadeen balse hal nin laga dhaawacay maleeshiyadaasi intii uu socday howlgalka lagu soo qabtay gaariga watay Taargada Been abuurka ah.

Dhinacakale Janaraal Cali Gaab ayaa digniin adag u diray shirkadaha wax daabaca oo la aaminsan yahay in midkood ay daabacday taargada been abuurka ah ee maanta lasoo bandhigay.

“kuwa taargooyinka waxaan leeyahay hadaa nabad diidka u sameysaan markii la qaabto idinkaa leydin soo kor taagayaa danaana u sheegi doontaan markaas sharcigana waxaa ku muteysataan ayaa leedihiin” ayuu mar kale sheegay taliyaha.

Soo qabashada gaariga la sheegay inay lahaayen Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa imaaneysa xili Ciidamada Nabadsugida iyo Booliska Somaaliyed lagu arkayo Wadooyinka waa weyn ee caasimada Muqdisho iyagoo adkeynaya Ammaanka si ay uga hortagaan falalaka Amni darada ah ee mararka qaar ka dhici kara magaalada Muqdisho.

Previous Post

34 Macalim oo tababar loogu soo xirey Gaalkacyo

Next Post

Maamulka gobolka Banaadir oo ka hadlay amniga iyo nadaafadda Muqdisho

Next Post

Maamulka gobolka Banaadir oo ka hadlay amniga iyo nadaafadda Muqdisho

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda arrimaha gudaha oo dib u magacawday maamulka gobolka Bakool

March 25, 2026
0

Wasaaradda arrimaha Gudaha dowladda FS ayaa dib u magacawday xubnihii maamulka gobolka Bakool, kan degmada Xudur iyo golaha deegaanka degmadaas.

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

March 25, 2026
0

Madaxa Qiimeynta iyo Kormeerka, Prof: Maxamed Cilmi Guure, ahna Xiriiriyaha Soomaaliya ee Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika (CAADP)...

Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

March 25, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka qaybgalay munaasabadda gabagabada barnaamijka Xoojinta Qaabdhismeedka Amniga Qaranka, oo lagu soo...

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay xaaladda Guud ee dalkeenna

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay xaaladda Guud ee dalkeenna

March 25, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In