Wasaaradda arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Galmudug ayaa ku soo gabagabeysay deegaanka Balihowd oo hoos taga degmada Xeraale ee gobolka Galgaduud shir dib-u-heshiineed oo socday maalmihii la soo dhaafay.
Shirkaan dib u heshiineed oo ay garwadeen ka ahayd mas’uuliyiinta Wasaaradda arrimaha gudaha, Faderaalka iyo dib u heshiisiinta Galmudug ayaa u dhaxeeyey Dadka walaalaha ee halkaas wada daga, wuxuuna ahaa shir nabadeed oo daba socda shirar dib-u-heshiineed oo horay loogu qabtay Bulshada Deegaanadaas.