Garsoore Soomaaliyeed ayaa caawa markii ugu horraysay dhex-dhexaadin doona ciyaar ka tirsan Koobka Qaramada Qaaradda Afrika 2024-ka.
Garsoore Cumar Cabdiqaadir Cartan ayaa caawa dhex-dhexaadin doona ciyaarta adag ee u dhaxeysa Tunisia iyo Namibia, taasi oo ka dhici doonta dalka Ivory Coast.
Garsoore Cumar Cabdiqaadir Cartan ayaa dhawaan ku soo baxay liiska garsoorayaasha sanadkan kasoo muuqanaya Koobka Qaramada Qaaradda Afrika 2024-ka.