Guddoomiye ku-xigeenka Arirmaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadir mudane, Cabdicasiis Cusmaan Maxamed, oo uu wehliyo Aggaasimaha xiriirka arrimaha dibedda maamulka Gobolka Banaadir, Maxamed Xasan Maxamed, ayaa kulan la qaatay Duqa Magaalada Sakarya ee Dalka Turkiga, Ekrem Yüce.
Kulanka oo ka dhacay Magaalada Sakarya ayaa waxaa looga hadlay, iskaashiga iyo horumarinta labada magaalo ee Muqdisho iyo Sakarya, wax is dhaafsiga, taageerada tababarrada shaqaalaha iyo iskaashiga maamulka labada magaalo.
Duqa Magaalada Sakarya ee Dalka Turkiga Mudane, Ekrem Yüce ayaa wafdiga ka socda Soomaaliya u sheegay in uu booqasha rasmi ah ku iman doono Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.