Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku booriyay Daalibaan inay ka waantobaan siyaasadaha lagu beegsanayo Haweenka Afgaanistaan, iyagoo walaac ka muujiyay tacadiyada ka dhanka ah xuquuqda insaanka ee dalkaas ka jira.
Golaha Ammaanka ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay inay aad uga walaacsan yihiin xannibaadaha sii kordhaya ee lagu hayo waxbarashada Haweenka Afgaanistaan, iyagoo ku baaqay in loo ogolaado Haweenka inay ka qeeyb qataan waxbarashada si ay hanaanka kobaca dalka qeyb ugu noqdaan.
Sidokale, Golaha wuxuu cambaareeyay xayiraadda lagu soo rogay Haweenka ka shaqeeya hay’adaha aan dowliga ahayn, iyagoo sheegay in taasi ay sameeyn ku yeelan karto howlaha gargaarka ee waddan ka socda.
Todobaadki hore, Daaliban ayaa ku dhawaaqday in gabi ahaanba Albaabada loo laabay Jaamacadahii ay wax ka baran jireen Gabdhaha Afgaanistaan, waxaana markii ugu horeysay arrinkaasi canbareeyay Mareykanka iyo waddama kale .