Thursday, April 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Aqalka Sare oo la horgeeyey hindise sharciyeedka Qaxootiga

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
2 years ago
in Wararka
0
Golaha Aqalka Sare oo la horgeeyey hindise sharciyeedka Qaxootiga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim oo uu weheliyo Guddoomiye ku-xigeenka labaad, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga Afaraad kulankiis 2-aad oo ajandihiisu ahaa Akhrinta 1aad ee Sharciga Qaxootiga iyo Magan Galyo Doonka iyo Ka tashiga saamaynta Arrimaha fatahaadaha.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Mudane Ahmed Moallim Fiqi, ayaa Sanatarrada Aqalka Sare u faahfaahiyay muhiimadda hindise sharciyeedka Qaxootiga iyo Magan Galyo Doonka.

Related posts

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

April 9, 2026
Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

April 9, 2026

Intaas kadib Guddoomiyaha Guddiga arrimaha gudaha Aqalka Sare Sanatar Deeqa Xasan Xuseen, ayaa Golaha lawadaagtay warbixin ku saabsan safar shaqo oo ay ku tageen magaalada Baydhabo iyo kulamo ay la qaateen madaxda Dowlad Goboleedka Koofurgalbeed,iyadoo Sanatarraduna ay ka aragti dhiibteen xal u helista arrimaha fatahada, daryeelka dadka ay saameeyeen daadadku iyo la xisaabtanka Wasaaradaha iyo Hay’adaha ku shaqada leh arrimaha gargaarka.

Guddoomiye Cali Shacbaan Ibraahim oo kulanka maanta shir guddoomiyay, ayaa geba-gebada kulanka cod geliyay in Sanatarrada mushaarkooda bishan laga jaro lacag dhan shan boqol oo dolar kadib soo jeedin ka timid xubno katirsan Sanatarrada Aqalka Sare, sidaas ayayna ku ogolaadeen xubnihii kulanka joogay.

Previous Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo kulan gaar ah la yeeshay wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Qatar

Next Post

Duqa Muqdisho oo kulan la qaatay dhiggiisa Magaalada Doha “SAWIRRO”

Next Post
Duqa Muqdisho oo kulan la qaatay dhiggiisa Magaalada Doha “SAWIRRO”

Duqa Muqdisho oo kulan la qaatay dhiggiisa Magaalada Doha "SAWIRRO"

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

Soomaaliya iyo Nigeria oo Xoojinaya Xiriirkooda Diblomaasiyadeed

April 9, 2026
0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Nigeria, Mudane Mohamed Osman Mohamed, ayaa si rasmi ah waraaqaha aqoonsiga (Letters...

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

April 9, 2026
0

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa ka qeyb galay...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

April 9, 2026
0

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista shidaalka Soomaaliya ee Çağrı Bey, kaas oo hore uga soo shiraacday...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey  ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

April 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, mudane Daud Aweis , iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Cabdihakim...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In