Monday, September 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika oo saaray bayaan ka dhan ah xadgudubka Israiiil ee dalkeenna

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 months ago
in Wararka
0
Golaha Nabadda ee Midowga Afrika oo si adag u cambaareeyay xadgudubka Israiil
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa soo saaray bayaan ka kooban dhowr qodob.

Goluhu wuxuu si adag uga horyimid isla markaana cambeereeyay go’aanka hal dhinac ah ee ay Israa’iil ku aqoonsatay “ Somaliland” oo qeyb ka ah Jamhuuriyadda Soomaaliya inay tahay dal madax-bannaan, taas oo halis gelinaysa madax-bannaanida, midnimada dhuleed iyo xasilloonida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Related posts

Wasaaradda  Duulista Hawada JFS oo Raalligelin ka Bixisay Dhacdadii Shirkadda Salam Air, Ballanqaadayna Tallaabooyin Sharci ah

Wasaaradda Duulista Hawada JFS oo Raalligelin ka Bixisay Dhacdadii Shirkadda Salam Air, Ballanqaadayna Tallaabooyin Sharci ah

September 6, 2026
DOWLADDA SOOMAALIYA OO SI ADAG U CAMBAAREYNEYSA SOO NOQOSHADA BURCAD-BADDEEDKA, UNA YEERTAY ISKAASHI IYO TAAGEERO CAALAMI AH.

DOWLADDA SOOMAALIYA OO SI ADAG U CAMBAAREYNEYSA SOO NOQOSHADA BURCAD-BADDEEDKA, UNA YEERTAY ISKAASHI IYO TAAGEERO CAALAMI AH.

September 6, 2026

Goluhu waxa uu si adag u cambaareynaya go’aankaas qaldan, iyagoo ku baaqay in si degdeg ah looga noqdo.

Goluhu waxa uu mar kale xaqiijinaya sida ay uga go’an yahay ilaalinta madax-bannaanida, midnimada iyo xasilloonida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, si waafaqsan Axdiga Aasaaska ee Midowga Afrika, gaar ahaan Qodobka 4 (e) iyo (i) ee Heshiiska Golaha Nabadda iyo Amniga, iyo sidoo kale qodobada khuseeya ee Axdiga Qaramada Midoobay.

Goluhu waxa uu soo dhoweynayaa bayaanka uu soo saaray Mudane Mahmoud Ali Youssouf, Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, taariikhdiisuna ahayd 26 Diseembar 2025, kaas oo diidaya tallaabo kasta ama qorshe kasta oo lagu aqoonsanayo waqooyiga Soomaaliya (Somaliland) inuu yahay dal madax-bannaan, arrintaas oo khilaafsan mabda’a aasaasiga ah ee Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay, isla markaana khatar ku ah nabadda iyo xasilloonida Qaaradda, iyadoo sidoo kale wiiqaysa himilada Afrika mideysan, barwaaqo ah, oo nabdoon sida ku cad Ajandaha 2063.

Goluhu waxa uu caddaynayaa in aysan jirin cid xaq u leh ama awood u leh inay beddesho xuduudaha dhuleed ee dal xubinta ka ah Midowga Afrika, isla markaana tallaabo kasta oo noocaas ah ay tahay mid sharci darro ah, waxba kama jiraan ah, oo aan wax saamayn ah lahayn.

Goluhu waxa uu mar kale xasuusinayaa in isku day kasta oo lagu beddelo xuduudaha xoog ama si sharci darro ah uu yahay mid ka hor imanaya Axdiga Midowga Afrika, isla markaana abuuri kara tusaale khatar ah oo saameyn ballaaran ku yeelan kara nabadda, amniga, iyo xasilloonida Afrika.

Golaha Nabadda iyo ammaanka ee Midowga Afrika waxa uu ogeysiisanaya in tallaabooyinka noocaas ahi ay khatar ku yihiin nabadda iyo xasilloonida Qaaradda, gaar ahaan gobolka Geeska Afrika, isla markaana ay carqaladeynayaan dadaallada amniga ee wadajirka ah iyo mabaadi’da la isla gartay ee Midowga Afrika.

Goluhu waxa uu ugu baaqaya dhammaan dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika iyo saaxiibada caalamka inay dib u xaqiijiyaan madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya, kana soo horjeestaan fal kasta oo sharci-darro ah, isla markaana ay taageeraan midnimada Afrika, sharciyadda caalamiga ah, iyo xasilloonida gobolka; sidoo kale ku boorinaya dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika inay taageeraan dadaallada Qaramada Midoobay ee lagu ilaalinayo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo in la taageero tallaabo kasta oo wadajir ah oo laga qaado Golaha Guud Qaramada Midoobay ee arrintan la xiriirta.

Goluhu waxa uu ugu Hambalyeynaya Dowladda Federaalka Soomaaliya dadaalkeeda ku aaddan dhismaha dowladnimada; isla markaana ku dhiirrigelinaya sii wadidda wadahadallada gudaha dalka sida kaliya ee waxtarka leh ee lagu xallin karo khilaafaadka jira ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah; arrintaas awgeed, wuxuu codsanayaa Guddiga isagoo kaashanaya IGAD iyo Bulshada Bariga Afrika (EAC), inuu sii wado taageerada iyo fududeynta wadahadallo wada-dhan ah oo nabadeed;

Goluhu waxa uu xusuusinaya muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo guulihii la gaaray iyo in la dardar geliyo dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah ee Al-Shabaab

Goluhu waxa uu go’aansanaya inuu si dhow ula socdo arrintan oo uu sii ahaado mid firfircoon oo ku hawlan.

Previous Post

Jaamacadda Carabta oo cambaareysay booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil ee Hargeysa

Next Post

Guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka oo ka shiray qadiyadda Soomaaliya

Next Post
Guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka oo ka shiray qadiyadda Soomaaliya

Guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka oo ka shiray qadiyadda Soomaaliya

Wasaaradda  Duulista Hawada JFS oo Raalligelin ka Bixisay Dhacdadii Shirkadda Salam Air, Ballanqaadayna Tallaabooyin Sharci ah

Wasaaradda Duulista Hawada JFS oo Raalligelin ka Bixisay Dhacdadii Shirkadda Salam Air, Ballanqaadayna Tallaabooyin Sharci ah

September 6, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Gaadidka iyo Duulista Hawada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (M Hon. Mohamed Farah Nouh, ayaa si buuxda uga raalli-galiyey...

DOWLADDA SOOMAALIYA OO SI ADAG U CAMBAAREYNEYSA SOO NOQOSHADA BURCAD-BADDEEDKA, UNA YEERTAY ISKAASHI IYO TAAGEERO CAALAMI AH.

DOWLADDA SOOMAALIYA OO SI ADAG U CAMBAAREYNEYSA SOO NOQOSHADA BURCAD-BADDEEDKA, UNA YEERTAY ISKAASHI IYO TAAGEERO CAALAMI AH.

September 6, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaaraynaysaa soo noqoshada falalka burcad-badeednimada ee ka dhacaya xeebaha Puntland ee Soomaaliya. Tan...

TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA OO BOOQDAY TALISKA QAYBTA 1-AAD EE GORGOR

TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA OO BOOQDAY TALISKA QAYBTA 1-AAD EE GORGOR

September 6, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Ibrahim Maxamad Maxamuud ayaa maanta booqasho shaqo ku tegay Taliska Qaybta 1-aad ee Kumaandooska...

Ciidanka XDS oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay deegaanka Madax-maroodi

Ciidanka XDS oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay deegaanka Madax-maroodi

September 6, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Kumaandooska Danab ayaa hawlgallo qorshaysan ka sameeyay deegaanka Madax-maroodi ee Gobolka Shabeellaha Hoose, Hawlgalkan ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In