Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Jaamacadda Carabta oo cambaareysay booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil ee Hargeysa

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 months ago
in Wararka
0
Jaamacadda Carabta oo cambaareysay booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil ee Hargeysa
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Mudane Axmed Abul-Qeyd, ayaa si adag u cambaareeyay booqashada uu maanta, 6-da Janaayo 2026, Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil ku tagay magaalada Hargeysa ee waqooyiga Soomaaliya.

Jaamacadda Carabta ayaa booqashadaas ku tilmaantay isku day fashilmay oo lagu doonayo in lagu meelmariyo tallaabada Israa’iil ee aqoonsiga gooni-isu-taagga waqooyi-galbeed Soomaaliya, taas oo ka baxsan dowladnimada Soomaaliyeed.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Abul-Qeyd wuxuu mar kale ku celiyay mowqifka cad ee Jaamacadda Carabta ee ah diidmo buuxda oo ku wajahan wax xiriir rasmi ah ama mid u eg oo lala yeesho maamul kasta oo gooni-goosad ah, kana baxsan xayndaabka madax-bannaanida Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo xusay in tallaabooyinkan ay si cad u jebinayaan midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya, isla markaana khatar ku yihiin nabadda iyo amniga gobolka, ayna sii hurinayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya, Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Geeska Afrika.

Afhayeenka Xoghayaha Guud, Jamaal Rashiidi, ayaa sheegay in tallaabadan oo si caalami iyo Carab ahaanba loo diiday, lana cambaareeyay ay Golaha Jaamacadda Carabta kulankii 28-kii Diseembar 2025 ku tilmaameen mid baadil ah, waxba kama jiraan, isla markaana aan la aqbali karin.

Wuxuu intaas kusii daray inuu jiro walaac ku saabsan isku dayo lagu fududeynayo qorshayaal lagu barakicinayo shacabka Falastiin, iyo in dekedaha Soomaaliya loo adeegsado dhisidda saldhigyo ciidan.

Jaamacadda Carabta ayaa xaqiijisay inay sii wadi doonto taageerada siyaasadeed iyo tan farsamo ee ay siiso hay’adaha Dowladda Soomaaliyeed, si looga hortago isku day kasta oo lagu abuuro meelo khilaaf cusub ah oo wiiqa xasilloonida iyo midnimada dalka, ama lagu waxyeelleeyo marin-biyoodka Carbeed ee istaraatiijiga ah.

Previous Post

Somalia Reaffirms Firm Support for One-China Principle

Next Post

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika oo saaray bayaan ka dhan ah xadgudubka Israiiil ee dalkeenna

Next Post
Golaha Nabadda ee Midowga Afrika oo si adag u cambaareeyay xadgudubka Israiil

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika oo saaray bayaan ka dhan ah xadgudubka Israiiil ee dalkeenna

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In