Wednesday, January 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Shacabka ee BFS oo Ansixiyay Heshiiska Dhismaha Urur Goboleedka IGAD.

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
2 hours ago
in Wararka
0
Golaha Shacabka ee BFS oo Ansixiyay Heshiiska Dhismaha Urur Goboleedka IGAD.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan rasmi ah yeeshay, kaas oo ajandihiisu ahaa ka doodista iyo ansixinta Heshiiska lagu dhisay Urur Goboleedka IGAD (Intergovernmental Authority on Development).

Intii uu socday kulanka, Xildhibaanada ayaa si qoto dheer uga dooday muhiimada heshiiskan uu u leeyahay dalka, gaar ahaan dhinacyada xoojinta iskaashiga gobolka, nabadda iyo xasilloonida, horumarinta dhaqaalaha, la-dagaallanka abaaraha iyo isbeddelka cimilada, iyo xallinta khilaafaadka ka jira Geeska Afrika.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Dalka Pakistan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Dalka Pakistan.

January 21, 2026
Ku-xigeenka Hantidhowrka Guud ee JFS oo ka warbixiyay kulanka isu-duwidda Hay’adaha Dowladda oo ka furmaya Muqdisho.

Ku-xigeenka Hantidhowrka Guud ee JFS oo ka warbixiyay kulanka isu-duwidda Hay’adaha Dowladda oo ka furmaya Muqdisho.

January 21, 2026

Dood dheer kaddib, Golaha Shacabka ayaa cod gacan-taag ah ku ansixiyay heshiiska, iyadoo 141 Xildhibaan ay ogolaadeen, laba Xildhibaan ay ka horyimaadeen, halka hal Xildhibaan uu ka aamusay. Sidaas darteed, heshiiska ayaa si rasmi ah u ansaxay, waxaana uu noqday mid dhaqan-gal ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka guddoominayay ayaa xusay in ansixinta heshiiskan ay muujinayso ka go’naanshaha Soomaaliya ee ka mid ahaanshaha iyo doorka firfircoon ee ururada gobolka, isla markaana ay fursad u tahay dalka in uu ka faa’iideysto barnaamijyada horumarineed iyo dadaallada nabadeynta ee IGAD.

Ugu dambayn, Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa carrabka ku adkeeyay in ka mid ahaanshaha IGAD uu Soomaaliya u horseedi doono iskaashi xooggan oo dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada ah, taas oo gacan ka geysan doonta dib-u-dhiska iyo xasillinta dalka.

By:Fardowsa Hassan Nor

Previous Post

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Dalka Pakistan.

Golaha Shacabka ee BFS oo Ansixiyay Heshiiska Dhismaha Urur Goboleedka IGAD.

Golaha Shacabka ee BFS oo Ansixiyay Heshiiska Dhismaha Urur Goboleedka IGAD.

January 21, 2026
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan rasmi ah yeeshay, kaas oo ajandihiisu ahaa ka doodista...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Dalka Pakistan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Dalka Pakistan.

January 21, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Cali-Xoosh), iyo wafdi sare oo uu...

Ku-xigeenka Hantidhowrka Guud ee JFS oo ka warbixiyay kulanka isu-duwidda Hay’adaha Dowladda oo ka furmaya Muqdisho.

Ku-xigeenka Hantidhowrka Guud ee JFS oo ka warbixiyay kulanka isu-duwidda Hay’adaha Dowladda oo ka furmaya Muqdisho.

January 21, 2026
0

Ku-xigeenka Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mukhtaar Maxamed Abuukar, ayaa ka warbixiyay kulanka muhiimka ah ee isu-duwidda hay’adaha...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shacabka ugu hambalyeeyay maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shacabka ugu hambalyeeyay maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed.

January 21, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa hambalyo diirran u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In