Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Wasiirada oo isbadal ku sameeyey hogaanka ciidanka Qalabka sida iyo Maamulka G. Banaadir “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Golaha Wasiirada oo isbadal ku sameeyey hogaanka ciidanka Qalabka sida iyo Maamulka G. Banaadir “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, Apriil 6.2017——Kulan aan caadi aheyn oo ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ee uu shir guddoominayay Raโ€™iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre ayay ku ansixiyeen isbadal lagu sameeyey hogaanada Talisyada Ciidamada Xooga, Boliiska, Asluubta, Nabadsugida, iyo maamulka gobolka Banaadir.

Ugu horeyn kulanka Golaha Wasiirada ayaa warbixin looga dhegeystay wasiirka amniga gudaha Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo ka warbixiyay xaaladda amniga, isaga oo golaha u soo bandhigay qorsheyaal lagu sugayo amniga.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Sidoo kale, kulanka ayaa warbixin looga dhegeystay Raโ€™iisal Wasaare kuxigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo madax u ahaa guddiga xil wareejinta Wasaaraddaha, waxaana uu xusay in inta badan Wasaaraddaha ay si habsami leh ugu kala wareejiyeen, isaga oo u mahadceliyay Wasiiradii hore oo si quman u wareejiyay xilalka Wasaaraddaha.

Raโ€™iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre oo golaha u soo bandhigay magacaabista Taliyeyaal cusub oo ciidanka Qalabka sida ay yeeshaan, waxaana dood iyo falan qeyn dheer kadib cod buuxda ku ansixiyeen Golaha Wasiiradu xubnahan hoos ku xusan.

  1. Taliyaha Ciidanka Xoogga Jan. Maxamed Axmed Jimcaale Cirfiid
  2. Taliyaha Hayโ€™adda Nabadsugida C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe
  3. Taliyaha Ciidanka Boliiska Cabdixakiin Daahir Saciid (Saacid)
  4. Taliyaha ciidanka Asluubta Jan. Xuseen Xasan Cismaan

Sidoo kale, Golaha Wasiirada ayaa ka dooday isbadal lagu sameeyo hogaanka maamulka gobolka Banaadir, dood dheer kadib waxa ay u codeeyeen in guddoomiyaha gobolka Baanaadir ahna duqa Muqdisho loo magacaabo Thaabit Cabdi Maxamed.

Ansixinta kadib, ayaa waxaa shirka golaha Wasiirada ku soo biiray madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo), isaga oo uga mahadceliyay isbdalada iyo dardargelinta howlaha Qaranka ee ay wadaan golaha Xukuumada.

Madaxweynaha ayaa xusay inuu kalsooni buuxda u hayo xubnahan la magacaabay ee hogaanka talisyada ciidanka, waxa uuna tilmaamay in wadanku wajahayo dagaal ka dhan ah kooxaha nabadiidka ah ee Al shabaab, Musuq maasuqa iyo Abaaraha.

โ€œDalku waxa uu ku jiraa xaalad dagaal, waxaana dooneynaa in hadda kadib, kooxaha nabadiidka aanaan sugin inta ay shacabka Qarxinayaan oo ay dhibaateynayaan, waxaan rabnaa inaan anagu weerarno, goobaha ay joogaana ka sifeynoโ€ ayuu yiri Madaxweynaha oo ka hadlayay kulanka golaha, waxa uuna shacabka ka codsaday inay garabsiiyaan ciidamada Qaranka.

—-DHAMMAAD—-

Previous Post

Madaxweynaha oo iclaamiyay dagaal ka dhan ah argagixisada Al-Shabaab “SAWIRRO”

Next Post

Taliyihii hore ee ciidanka booliska oo tababbar u soo xiray saraakiil ciidan “SAWIRRO”

Next Post
Taliyihii hore ee ciidanka booliska oo tababbar u soo xiray saraakiil ciidan “SAWIRRO”

Taliyihii hore ee ciidanka booliska oo tababbar u soo xiray saraakiil ciidan "SAWIRRO"

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง๐ค๐š ๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐š๐๐š ๐—๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐š๐ง๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐จ๐จ ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐š ๐ก๐š๐๐ฅ๐š๐ฒ ๐ฑ๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ ๐ฎ๐ฎ๐ ๐ž๐ž ๐๐š๐ฅ๐ค๐š

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: ๐Œ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐š๐ฒ ๐๐ข๐ฒ๐š๐š๐ซ ๐ฎ ๐ญ๐š๐ก๐š๐ฒ ๐ข๐ง ๐š๐ฒ ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ญ๐จ ๐š๐ฅ๐›๐š๐š๐›๐š๐๐š ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ ๐š๐ฌ๐ก๐ข ๐ž๐ž ๐๐ฎ๐ง๐ข๐๐ฎ ๐ฎ ๐›๐š๐š๐ก๐š๐ง๐ญ๐š๐ก๐š๐ฒ

October 6, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In