Wednesday, October 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Wasiirada oo Maanta Ansixiyey Magacaabista Xubin Ka Mid Noqonaysa Gudiga Madaxa Banaan Ee Dastuurka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Golaha Wasiirada oo Maanta Ansixiyey Magacaabista Xubin Ka Mid Noqonaysa Gudiga Madaxa Banaan Ee Dastuurka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 03, June, 2015…..Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shirkoodii caadiga ahaa, oo uu shir gudoominayey Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirahid Cali Sharmarek, waxaana shirka looga hadlay Amniga, Ansixinta xubin kamid noqonaysa Gudiga Madaxa Banaan ee Dastuurka, iyo Dhibaatooyin ka jira dhul xeebaadka Muqdisho,

Wasiirka Dekedaha iyo Gadiidka Badda ayaa golaha uga warbixiyey dhibaatooyin sii kordhaya oo ka jira xeebaha magaalada Muqdisho. “Waxaa jira in  dadka ku howlan dhismayaasha  ay caadaysteen in Carada iyo dhagaxaaanta Jeyga ah ka gurtaan xeebta, taas oo keeni karta in Badu ay ku soo durugto magaalada, madaama caradii celin lahayd lagu hayo xaaluf ba’an, Wasaaradu waxay waday baaritaankaan in mudo ah, waxaa kale oo aan soo ogaanay in qashin faro badan lagu shubo badda oo ay ka mid yihiin dhiiga xoolaha, Bulaacadaha iyo  qashinka laga qaado magaalada ku waas oo keeni karo caafimaad daro baahasan.” ayuu yiri Wasiirka Dekedaha Iyo Gadiidka Badda.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026

Sidoo kale Wasiir ku xigeenka Gashaandhiga ayaa golaha uga warbixiyey guulihii ay ciidamada Dowladu ka soo hooyeen deegaamo hoostaga gobolka Shabeelada Hoose,  Wasiirka ayaa sheegay in Ciidanka dowladda ay gacanta ku dhigeen deegaanka Toora-toorow, halkaas oo ahayd meelaha ay ka soo abaabuli jireen cadowgu weerarada ay ku soo qaadaan goobaha ay ciidamadu ka joogaan gobolka, sidoo kale wasiirka ayaa warbixin kooban ka siiyey golaha halka uu marayo isku dhafka ciidanka oo wasaaradda gaashaandhigu hormuud ka tahay.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Cumar Cabdirashid ayaa magacaabay gudi ka kooban toban wasiir oo  loo xilsaaray  dhagaysiga dadka qaba tabashooyinka ku aadan Baarlamaanka cusub ee Jubaland, waxaa sidoo kale guddigu wada hadal arrimahaas ku saabsan la furayaan maamulka Jubaland.

Ugu danbayntii, golaha wasiirada ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasiirka Dastuurka uu soo jeediyey mudane Maxamed Daahir Afrax oo ah aqoonyahan si weyn looga yaqaano dalka Soomaaliya, inuu buuxiyo xubin ka dhimanayd Gudiga Madaxa Banaan ee Dastuurka, booskaas oo ay dhawaan banaysay Marwo Caasho Geelle

—DHAMAAD—

Previous Post

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo maanta booqaday Abwaan Sangub oo ku xanuunsanaya Muqdisho

Next Post

Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Ka Qeybgalay Munaasabadda Furitaanka Kalfadhiga 5aad Ee Baarlamaanka Uganda “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Ka Qeybgalay Munaasabadda Furitaanka Kalfadhiga 5aad Ee Baarlamaanka Uganda “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Ka Qeybgalay Munaasabadda Furitaanka Kalfadhiga 5aad Ee Baarlamaanka Uganda "SAWIRRO"

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirka Saddexaad ee Bulshada...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabad heer qaran ah oo si maqaam sare...

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In