Sunday, July 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Wasiirada oo Maanta Ansixiyey Magacaabista Xubin Ka Mid Noqonaysa Gudiga Madaxa Banaan Ee Dastuurka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
June 4, 2015
in Wararka
0
Golaha Wasiirada oo Maanta Ansixiyey Magacaabista Xubin Ka Mid Noqonaysa Gudiga Madaxa Banaan Ee Dastuurka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 03, June, 2015…..Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shirkoodii caadiga ahaa, oo uu shir gudoominayey Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirahid Cali Sharmarek, waxaana shirka looga hadlay Amniga, Ansixinta xubin kamid noqonaysa Gudiga Madaxa Banaan ee Dastuurka, iyo Dhibaatooyin ka jira dhul xeebaadka Muqdisho,

Wasiirka Dekedaha iyo Gadiidka Badda ayaa golaha uga warbixiyey dhibaatooyin sii kordhaya oo ka jira xeebaha magaalada Muqdisho. “Waxaa jira in  dadka ku howlan dhismayaasha  ay caadaysteen in Carada iyo dhagaxaaanta Jeyga ah ka gurtaan xeebta, taas oo keeni karta in Badu ay ku soo durugto magaalada, madaama caradii celin lahayd lagu hayo xaaluf ba’an, Wasaaradu waxay waday baaritaankaan in mudo ah, waxaa kale oo aan soo ogaanay in qashin faro badan lagu shubo badda oo ay ka mid yihiin dhiiga xoolaha, Bulaacadaha iyo  qashinka laga qaado magaalada ku waas oo keeni karo caafimaad daro baahasan.” ayuu yiri Wasiirka Dekedaha Iyo Gadiidka Badda.

Related posts

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

July 13, 2025
Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

July 12, 2025

Sidoo kale Wasiir ku xigeenka Gashaandhiga ayaa golaha uga warbixiyey guulihii ay ciidamada Dowladu ka soo hooyeen deegaamo hoostaga gobolka Shabeelada Hoose,  Wasiirka ayaa sheegay in Ciidanka dowladda ay gacanta ku dhigeen deegaanka Toora-toorow, halkaas oo ahayd meelaha ay ka soo abaabuli jireen cadowgu weerarada ay ku soo qaadaan goobaha ay ciidamadu ka joogaan gobolka, sidoo kale wasiirka ayaa warbixin kooban ka siiyey golaha halka uu marayo isku dhafka ciidanka oo wasaaradda gaashaandhigu hormuud ka tahay.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Cumar Cabdirashid ayaa magacaabay gudi ka kooban toban wasiir oo  loo xilsaaray  dhagaysiga dadka qaba tabashooyinka ku aadan Baarlamaanka cusub ee Jubaland, waxaa sidoo kale guddigu wada hadal arrimahaas ku saabsan la furayaan maamulka Jubaland.

Ugu danbayntii, golaha wasiirada ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasiirka Dastuurka uu soo jeediyey mudane Maxamed Daahir Afrax oo ah aqoonyahan si weyn looga yaqaano dalka Soomaaliya, inuu buuxiyo xubin ka dhimanayd Gudiga Madaxa Banaan ee Dastuurka, booskaas oo ay dhawaan banaysay Marwo Caasho Geelle

—DHAMAAD—

Previous Post

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo maanta booqaday Abwaan Sangub oo ku xanuunsanaya Muqdisho

Next Post

Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Ka Qeybgalay Munaasabadda Furitaanka Kalfadhiga 5aad Ee Baarlamaanka Uganda “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Ka Qeybgalay Munaasabadda Furitaanka Kalfadhiga 5aad Ee Baarlamaanka Uganda “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Ka Qeybgalay Munaasabadda Furitaanka Kalfadhiga 5aad Ee Baarlamaanka Uganda "SAWIRRO"

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

July 13, 2025
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas oo khuseeya sugidda Amniga Duulista Rayidka, heshiisyada ay Soomaaliya xubinta ka...

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

July 12, 2025
0

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha Dr Hodan Cusmaan Cabdi, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Beijing ku qaabishay saraakiil dowladeed oo...

Guddoomiyaha SoDMA iyo  Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay  Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

Guddoomiyaha SoDMA iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

July 12, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamed Macalin Cabdulle, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweyne ku‑xigeenka Dowlad...

Wasaaradda Howlaha Guud ee Hirshabeelle oo dhagax-dhigtay dhismaha waddooyinka Beledweyne

Wasaaradda Howlaha Guud ee Hirshabeelle oo dhagax-dhigtay dhismaha waddooyinka Beledweyne

July 12, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud Dib-u-dhiska iyo Guryeynta Dowladda Hirshabeelle  Maxamuud Xasan Bariise, oo uu wehliyo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In