Wednesday, March 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Wasiiradda ee dowlad goboleedka Hirshabeelle oo la Ansixiyay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Golaha Wasiiradda ee dowlad goboleedka Hirshabeelle oo la Ansixiyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Dowlad gobaleedkaasi ayaa ansixiyay Golaha Wasiirada cusub ee Hirshabeelle uu dhawaan soo dhisay Madaxweyne Maxamed Cabdi waare.

Golaha wasiiradda uu Madaxweyne Waare u soo gudbiyay Baarlamaanka si kalsoonida u siiyaan ayaa waxaa aqbalay 77-Xildhibaan halka ay kasoo horjeesteen 2-Xildhibaan.

Related posts

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

March 25, 2026
Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

March 25, 2026

Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare oo la hadlay Xildhibaanada Hirshabeelle ansixinta ka dib ayaa kaga mahad celiyay sida ay u ansixiyeen wasiiradda Hirshabeelle, isagoona sheegay in Golaha Wasiiradda looga baahan yahay inay la yimaadaan qorsheyaal wanaagsan iyo shaqo adag oo lagu hormarinayo deegaanada Maamulkaasi.

Ansixintan ayaa ka dambeysay ka dib dadaalo uu Maalmihii ugu dambeeyay waday Madaxweyaha Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle, isagoona Xildhibaanada ku qanciyay Muhiimada ay leedahay in xiligan la ansixiyo Golaha wasiirada si loo sii dardar galiyo howlo badan oo horyaala Maamulka Hirshabeelle.

Golaha Wasiirada Hirshabeelle ayaa ka kooban 57 xubnood,kuwaasi oo kala ah 20 Wasiir,20 Wasiir ku xigeen iyo 17 Wasiiru Dowle.

Previous Post

Munaasabad lagu daah furayo Xarunta Maamulka Hawada Soomaaliya oo lagu qabandoono Muqdisho+Sawirro

Next Post

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo maalintii labaad ka qeyb galayo shir ka socdo Magaaladda Baydhabo.

Next Post
Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo maalintii labaad ka qeyb galayo shir ka socdo Magaaladda Baydhabo.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo maalintii labaad ka qeyb galayo shir ka socdo Magaaladda Baydhabo.

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

March 25, 2026
0

Boqolaal qoys oo ka mid ah dadka ay saameysay abaarta daran ayaa gargaar biyo dhaamin ah laga gaarsiiyay deegaanno hoostaga...

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

March 25, 2026
0

Arday Soomaaliyeed ayaa guul taariikhi ah ka gaaray tartan caalami ah oo lagu qabtay dalka Shiinaha, iyagoo matalayay magaca iyo...

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

March 24, 2026
0

Cabdisalaam Maxamed Xasan, Cabdullahi Cusmaan Maxamed, Cabdinaasir Cumar Axmed Subeyr, Faadumo Cismaan Subeyr Cali iyo Leylo Seef Faarax Axmed, Ayaa...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

March 24, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye-Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Taliyaha Taliska Hawlgallada Gaarka ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In