Thursday, March 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Wasiiradda oo ka hadalay Xoojinta Amaanka iyo la dagaalanka Al-shabaab

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Golaha Wasiirada oo ka doodaya qorshaha Xukuumadda ee 100-ka Maalmood “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Golaha Wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta si wada jira u go’aamiyay in lasii laba jibbaaro dagaalka lagula jiro kooxda nabad diidka ee Al-shabaab.

Kulanka golaha wasiirrada oo uu shir guddoominayay R/wasaare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar Carte,ayaa si weyn loogu gorfeeyay adkaynta ammaanka dalka,dardar gelinta iyo baacsiga kooxda argagixisada Al-Shabaab.

Related posts

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda arrimaha gudaha oo dib u magacawday maamulka gobolka Bakool

March 25, 2026
Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

March 25, 2026

Wasiirka Gaashaan dhigga dowladda federaalka Soomaaliya Jeneraal C/qaadir Sheekh Cali (Diini) ayaa sheegay inay ciidamada xoogga dalka ay goobahooda ugu tegi doonaan Al-Shabaab,waxaanay goluhu isku raaceen in doorashada ka hor guluf xooggan lagu qaado Malleeshiyada nabad-diidka.

Sidoo kale golaha ayaa isku raacay in daryeel loo fidiyo carruurtii ay Aabbayaashood ku geeriyoodeen difaaca dalka,waxayna ballan qaadeen iney xagga wax barashada iyo dhanka noloshaba ka saacidi doonaan.

Dhinaca kale, golaha ayaa go’aamiyay in Albaabka hore ee madaxtooyada dalka loogu magic daro Laba Xiddigle Bashiir Abshir,oo ka mid ahaa mujaahidiintii naftooda u hurtay difaaca qaranka ee ay kooxda Al-Shabaab ku dileen halkaasi.

Previous Post

Cilmi Baaris: Ragga bidaarta leh oo loo sameeyay beerida Timaha oo leh soo jiidasho

Next Post

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka oo la kulmay madaxa howlgalka midowga Yurub ee la dagaalanka burcad badeedda.

Next Post
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka oo la kulmay madaxa howlgalka midowga Yurub ee la dagaalanka burcad badeedda.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka oo la kulmay madaxa howlgalka midowga Yurub ee la dagaalanka burcad badeedda.

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda arrimaha gudaha oo dib u magacawday maamulka gobolka Bakool

March 25, 2026
0

Wasaaradda arrimaha Gudaha dowladda FS ayaa dib u magacawday xubnihii maamulka gobolka Bakool, kan degmada Xudur iyo golaha deegaanka degmadaas.

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

March 25, 2026
0

Madaxa Qiimeynta iyo Kormeerka, Prof: Maxamed Cilmi Guure, ahna Xiriiriyaha Soomaaliya ee Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika (CAADP)...

Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

March 25, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka qaybgalay munaasabadda gabagabada barnaamijka Xoojinta Qaabdhismeedka Amniga Qaranka, oo lagu soo...

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay xaaladda Guud ee dalkeenna

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay xaaladda Guud ee dalkeenna

March 25, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In