Thursday, February 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha wasiirrada Itoobiya oo xaalad degdeg ah geliyay gobolka Tigreega

admin by admin
5 years ago
in Wararka
0
Golaha wasiirrada Itoobiya oo xaalad degdeg ah geliyay gobolka Tigreega
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Golaha wasiirrada Itoobiya ayaa lix bil oo xaalad deg deg ah ku soo rogay gobalka Tigreega ee waqooyiga Itoobiya.

Xafiiska ra’isul wasaaraha ayaa sheegay in xaaladda gobalka ay la socon donaan oo ay maamuli doonaan koox uu hoggaaminayo taliyaha ciidanka.

Related posts

Tartamayaasha C/casiis oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha C/casiis oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 25, 2026
Taliyaha Ciidanka XDS oo kulan la qaatay hoggaanada ciidanka

Taliyaha Ciidanka XDS oo kulan la qaatay hoggaanada ciidanka

February 25, 2026

Arintan ayaa timid kadib markii xalay ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu amray ciidanka tallaabo milatari oo ka dhan ah TPLF ciidanka Tigreega.

Abiy Ahmed wuxuu sheegay in TPLF weerareen saldhigyada ciidanka Itoobiya ee gobalka Tigreega ayna isku dayeen in ay boobaan hubka culus ee ciidanka federaalka.

Waxaa hawada ka maqan qadka internetka iyo taleefanada gobalka tigreega, gaar ahaan magaalada xarunta ah ee Mekelle .

Ra’isul wasaarahu wuxuu sheegay in xumumadda uu dulqaadkii ka dhamaaday kadib markii tigreegu kasoo gudbeen qadkii casaa.

Tan iyo markii uu xafiiska yimid Abiy Ahmed sanadkii 2018 xiriirka tigreega iyo dowladda federaalka ma ahayn mid wanaagsan.

Xaaladda ayaa xumaatay kadib markii Tigreega qabsadeen doorasho u gaar ah, taas oo golaha federaalka ee aqalka sare iyo xukumadda federaalka ay sharci darro ku tilmaameen.

5 –tii Oktoobar waxaa madaxda gobalka tigreega ay sheegeen in aanay dowaladda federaalka sharciyan aqoonsaneyn maadaama xilkii ka dhamaaday oo aanay doorasho qaban.

Aqalka sare ee baarlamaanka Itoobiya ayaa dowladda u sheegay in ay xiriirka u jaraan maamulka tigreega oo aanay la macaamilin

Wixii muddadaas ka danbeeyay xiriirka tigreega iyo dowladda dhexe wuxuu ahaa mid Aad u liita.

Previous Post

Natiijada doorashada madaxtinimada Maraykanka oo goor dhaw la filayo

Next Post

Wasaaradda Beeraha XFS iyo FAO oo ka wada-shaqeynaya cirib tirka Ayaxa+SAWIRRO

Next Post
Wasaaradda Beeraha XFS iyo FAO oo ka wada-shaqeynaya cirib tirka Ayaxa+SAWIRRO

Wasaaradda Beeraha XFS iyo FAO oo ka wada-shaqeynaya cirib tirka Ayaxa+SAWIRRO

Tartamayaasha C/casiis oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha C/casiis oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 25, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Taliyaha Ciidanka XDS oo kulan la qaatay hoggaanada ciidanka

Taliyaha Ciidanka XDS oo kulan la qaatay hoggaanada ciidanka

February 25, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la qaatay Taliyeyaasha Talisyada Ciidanka, Kaaliyaha...

Danjire Cabdinuur oo waraaqaha aqoonsiga Danjirenimo u gudbiyay Madaxda Azerbaijan

Danjire Cabdinuur oo waraaqaha aqoonsiga Danjirenimo u gudbiyay Madaxda Azerbaijan

February 25, 2026
0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Azerbaijan, Mudane Cabdinuur Daahir Fiidow, ayaa gudbiyay nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsigiisa....

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la afuray shaqaalaha Xafiiska

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la afuray shaqaalaha Xafiiska

February 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo kulan afur ah la qaatay howlwadeennada iyo shaqaalaha Xafiiska...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In