Monday, March 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha wasiirrada oo ansixiyay Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka iyo Labo hindise sharciyeed.

Ikraan Maxamed by Ikraan Maxamed
3 years ago
in Wararka
0
Golaha wasiirrada oo ansixiyay Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka iyo Labo hindise sharciyeed.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

March 16, 2026
Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

March 15, 2026
Kulanka Golaha Wasiirada ee maanta oo uu shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabsi Barre ayaa lagu ansixiyay magacaabista Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka, Laba Hindise Sharciyeed iyo Siyaasad.
Golaha Wasiirrada ayaa si aqlabiyad ah u ansixiyay soo jeedinta Abuukaate Axmed Ciise Guutaale inuu noqdo Hanti-Dhawrka Guud ee Qaranka, Wasaaradda Maaliyadda ayaana golaha u soo jeedisay.
Mudane Abuukaate Axmed Ciise ayaa ah aqoonyahan xilal kala duwan ka soo qabtay dowladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay.
Shirka ayaa looga dooday shuruuc la horkeenay oo dalka ahmiyad weyn u leh, wuxuuna goluhu si wadajir ah u ansixiyey Hindise Sharciyeedyada kala ah.
Hindise Sharciyeedka Maareynta Deegaanka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadelka Cimilada, Hindise Sharciyeedka Dhowrista Xogta oo ay soo gudbisay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoloojiyadda iyo sidoo kale Siyaasadda Maareynta Deegaanka oo Golaha ay horkeentay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadelka Cimilada.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa tilmaamay shuruucda uu goluhu meelmariyey ay dhammaantood yihiin kuwa leh mudnaan gaar ah oo hagaya dhinacyada Amniga iyo Siyaasadda Dhaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada, gaar ahaan deyn cafinta.
Hindise Sharciyeedyadan ayaa loo gudbin doonaa Golaha Baarlamaanka, si ay uga gutaan waajibkooda dastuuriga ah.
Dhanka kale,Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa Golaha Wasiirrada warbixin ka siiyey amniga guud ee dalka iyo howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah,iyadoo Goluhu bogaadiyey dadaallada socda ee dalka lagu xoreynayo laguna xasillinayo.
Previous Post

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la yeeshay ra’iisul wasaaraha Talyaaniga.

Next Post

Tirada dadka ku dhintay Turkiga iyo Syria oo gaartay 16-kun.

Next Post
Tirada dadka ku dhintay Turkiga iyo Syria  oo gaartay 16-kun.

Tirada dadka ku dhintay Turkiga iyo Syria oo gaartay 16-kun.

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

March 16, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

March 15, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Hay’adda SoDMA oo biyo dhaamin ka bilowday Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo biyo dhaamin ka bilowday Baydhabo

March 15, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee, oo kaashaneysa Wasaaradda Gargaarka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa maanta magaalada Baydhabo waxa ay ka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee QM

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee QM

March 15, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xarunta SoDMA ku qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In