Tuesday, May 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Wasiirrada oo maanta ansixiyey sharciga la dagaallanaka argagixisada “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Golaha Wasiirrada oo maanta ansixiyey sharciga la dagaallanaka argagixisada “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 14, May, 2015..Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliye ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, waxaan shir gudoominayey Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna kusimaha Ra’iisul Wasaaraha mudane Maxamed Cumar Carte, ayaa looga hadlay arimaha qaxootiga, sharciga la dagaalanka argagaxisada iyo arrimaha amnig.

Golaha wasiirada ayaa dood dheer ka yeeshay sharciga la dagaalanka aragaxisada oo ka mid ahaa shuruuc ay xukuumadii hore dib uga soo celisay golaha Barlamaanka, sharcigan ayaa maanta goluhu si buuxda u ansixiyeen, iyadoo lagu salaynaayo baahida amniga ee waqtigaan la joogo dalku ku sugan yahay iyo halista argagaxisadu ku hayso muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Related posts

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BULSHADA RAYIDKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BULSHADA RAYIDKA

May 25, 2026
Soomaaliya oo soo dhaweysay bayaan wadareedka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Islaamka ee Qarannimada Soomaaliya

Soomaaliya oo soo dhaweysay bayaan wadareedka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Islaamka ee Qarannimada Soomaaliya

May 24, 2026

Afhayeenka Xukuumadda Ridwaan Xaaji Cabdiwali oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in golaha wasiiradu ay meel mariyeen sharciga la dagaalanka argagaxisda “sida la socotaan waxay argagaxisadu halis ku tahay nabadgalyada gobolka iyo mida caalamka oo dhan. Argagaxisadu waxay caado ka dhigteen falal waxashnimo ah oo lidi ku ah dadka rayidka ah, iyo khal khal galinta horumarada kala duwan ee dalka kajira, iyaga oo ka soo horjeeda xaqa qofka Soomaaliga ah u leeyahay inuu sameeyo horumar. Waxay weeraro joogta ah ku qaadan goobaha shacabku dagan yahay, waxaana xukuumadda Soomaaliya ka go’an iney gacan adag uga hortagto falalka ay gaysteen kooxaha xagjirka ah” ayuu yiri Afhayeenka Xukuumaddu.

Wasiirka amniga gudaha oo dhankiisa ka warbixiyey amniga dalka ayaa sheegay in dowladu muujinayso feejignaan marka la fiiriyo dhibaatoyinka ka jira dalka Yemen, taas oo suurtagal ka dhigi karta iney Soomaaliya u soo talaabaan kooxaha xagjirka ah, iyo in dalka ay soo galaan hub sharci daro ah.

Sidoo kale Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha ayaa ka warbixiyey safar ay ku tageen magaalada Kismaayo isaga iyo madaxa ugu sareeya Hay’ada Qaxootiga Aduunka Antonio Gutteres, waxayna ka wada hadleen qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Kenya, iyo kuwo dalka dibadiisa ka soo noqonaya, sidoo kale wasiirka ayaa sheegay iney isla soo qaadeen sidii gacan ban’iadanimo loogu fidin lahaa qaxootiyada ka soo barakacaya dalka Yemen ee soo gaaraya magaalooyinka Boosaaso iyo Berbera.

Ugu danabayntii Golaha wasiirada ayaa kulakooda ku ansixyey lacag gaaraysa 100,000 doollar. oo la doonayo in lagu hormariyo qalab looga hortagayo fal-dambiyeedyada, qalabkaas ayaa sahli kar inuu wax weyn ku soo kordhiyo baarista danabiyda aan loo hayn cadaymo rasmi ah.

—-DHAMAAD—

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (8) unnamed

Previous Post

Gudiga Cadaaladda ee Baarlamaanka oo la kulmay xafiiska xer_ilaaliyaha guud (Sawirro)

Next Post

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir oo booqday xarumaha danta guud ee Cadaado “Sawirro”

Next Post
Guddoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir oo booqday xarumaha danta guud ee Cadaado “Sawirro”

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir oo booqday xarumaha danta guud ee Cadaado "Sawirro"

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BULSHADA RAYIDKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BULSHADA RAYIDKA

May 25, 2026
0

Muqdisho, May 25, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay bulshada rayidka ah Soomaaliyeed,...

Soomaaliya oo soo dhaweysay bayaan wadareedka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Islaamka ee Qarannimada Soomaaliya

Soomaaliya oo soo dhaweysay bayaan wadareedka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Islaamka ee Qarannimada Soomaaliya

May 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhoweynaysaa bayaanka wadajirka ah ee ay...

Bayaan wadajir ah oo lagu cambaareynayo furitaanka sharci-darrada ah ee waxa loogu yeeray “Safaaradda Somaliland” ee Magaalada Qudus

Bayaan wadajir ah oo lagu cambaareynayo furitaanka sharci-darrada ah ee waxa loogu yeeray “Safaaradda Somaliland” ee Magaalada Qudus

May 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalal badan oo Islaami ah ayaa si adag u cambaareeyay tallaabada ay maamulka Somaliland ku...

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo war kasoo saartay cabashooyin ka yimi safarrada dalka Masar

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo war kasoo saartay cabashooyin ka yimi safarrada dalka Masar

May 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kumeel gaar ah u hakisay in Dalka Masar loogu safro oggolaanshaha safar ee loo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In