Monday, August 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Wasiirrada oo Cambaareeyey Inqilaabkii Dhicisoobay ee dalka Turkiya

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Wasaaaradda Caafimaadka oo caddeysay in Soomaaliya aan laga helin kiiska Cudurka Ebola
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo isugu yimid shir aan caadi ahayn oo shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa waxaa si xoogleh loogu canbaareyey Afganbigii dhicisoobay ee la rabay in lagu kala dhantaalo Horumarka iyo Dumaquraadiyadda ay gaareen dalka iyo dadka Turkiya ee aan walaalaha nahay.

Dawladda F. Soomaaliya waxay ka tacsiyeynaysaa Dawlada iyo shacabka an walaalaha nahay ee Turkiya. Waxana goluhu tacsi u direy dadkii waxyeeladu ka soo gaartay dhacdadaasi, iyadoo Intii dhaawaca ahna ilaahey uga baryey caafimaad deg deg ah in uu siiyo.

Related posts

Taliska Ciidanka XDS oo fashiliyey weerar ay maleeshiyaadka Khawaarijta kusoo qadeen Baydhaba

Taliska Ciidanka XDS oo fashiliyey weerar ay maleeshiyaadka Khawaarijta kusoo qadeen Baydhaba

August 17, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo safar dhulka ah ku gaaray Degmada Cadaado

Madaxweyne Xasan Sheekh oo safar dhulka ah ku gaaray Degmada Cadaado

August 16, 2026

Xubnaha Golaha Wasiirrada waxay isku raaceen qodobada soo socda iyadoo la tix gelinayo codsiga Dawlada aan walaalaha nahay ee Turkiya:

1. Inla joojiyo adeegyadii ay bixin jirtay Nile Academy ee Dugsiyada, Isbitaalada iyo wixii kale oo hoosyimaada.
2. In howl wadeenada Nile Academy ay mudo 7 cisho gudaheed ah dalka uga baxaan oo ka bilaabaneysa 17 July 2016.

3. Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiya waxay si wada jir ah u balan qaadayaan in adeegyadii caafimaad iyo waxbarasho ee ay bixin jirtay Hay’adaasi sidoodii u socon doonaan. Maamul cusub na loo yeeli doono.

Dhanka kale, Golaha Wasiirrada ayaa shirkoodii maanta si rasmi ah ugu magacaabay Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka in uu ahaado S/G C/laahi Gaafow Maxamuud.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya ayaa warbixin laga dhageystay ku sheegtay in gurmad deg deg ah loo fidiyo shacabka Soomaaliyeed ee ku xaniban dalka South Sudan oo muddooyinkii danbe qalalaaso siyaasadeed ka jireen, waxana ay Goluhu isku raaceen in dadkaasi gurmad loo fidiyo.

Previous Post

Daawo Sawirrada: Dibadbax lagu taageerayay madaxweynaha Turkiga oo ka dhacay Muqdisho

Next Post

Shil gaari ay ku geeriyoodeen Wasiiro ka tirsan galmudug oo ka dhacay Nawaaxiga Bandiiradleey

Next Post
Ciidanka Amaanka oo Muqdisho ka qabtay Gaari iyo Labtobyo loo adeegsan rabay Qaraxyo

Shil gaari ay ku geeriyoodeen Wasiiro ka tirsan galmudug oo ka dhacay Nawaaxiga Bandiiradleey

Taliska Ciidanka XDS oo fashiliyey weerar ay maleeshiyaadka Khawaarijta kusoo qadeen Baydhaba

Taliska Ciidanka XDS oo fashiliyey weerar ay maleeshiyaadka Khawaarijta kusoo qadeen Baydhaba

August 17, 2026
0

17- Aug Taliska Ciidanka XDS ayaa fashiliyay weerrar ay maleeshiyaadka Khawaarijtu kusoo qaadeen magaalada Baydhabo, oo ah Caasimadda KG ah...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo safar dhulka ah ku gaaray Degmada Cadaado

Madaxweyne Xasan Sheekh oo safar dhulka ah ku gaaray Degmada Cadaado

August 16, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa...

Ku-simaha Madaxweynaha Waqooyi Bari oo qaabilay wafdi ka socday Qaramada Midoobay

Ku-simaha Madaxweynaha Waqooyi Bari oo qaabilay wafdi ka socday Qaramada Midoobay

August 16, 2026
0

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-xigeenka DWBS, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jabriil ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay ku xigeenka Ergayga...

Guddoomiyaha SoDMA oo la kulmay Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka

Guddoomiyaha SoDMA oo la kulmay Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka

August 16, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In