Saturday, December 6, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo Ansixiyay Hindise sharciyeedka Fasaxa dhismaha “SAWIRRO”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
4 years ago
in Wararka
0
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo Ansixiyay Hindise sharciyeedka Fasaxa dhismaha  “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa  guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo  lagu ansixiyay hindise sharciyeedka Fasaxa dhismaha iyo magacaabista xubin ka bannaaneyd Guddiga  dib-u-eegista dastuurka oo loo magacaabay  Mudane Daahir Xasan Cabdi.

Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  ayaa ansaxiyay Hindise-Sharciyeedka Fasaxa Dhismaha Soomaaliya oo uu horgeeyay Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Adaan Macalin (Soomaali).

Related posts

Wasiirka Caafimaad XFS Oo Ka Qaybgalay Shirka Caalamiga Ah Ee Doha Forum

Wasiirka Caafimaad XFS Oo Ka Qaybgalay Shirka Caalamiga Ah Ee Doha Forum

December 6, 2025
Kusimaha Madaxweynaha Dalka Oo Qaabilay Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Caalamiga Ah Ee Is-Cafinta Iyo Nabadda

Kusimaha Madaxweynaha Dalka Oo Qaabilay Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Caalamiga Ah Ee Is-Cafinta Iyo Nabadda

December 6, 2025

Ujeedada Hindise- Sharciyeedka Fasaxa Dhismaha:

Wasaaradda Howlaha Guud, Iyadoo  gudaneysa waajibkeeda shaqo ee kaga aaddan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxay ku talaabsatay sidii loo diyaarin lahaa Sharci Fasaxa dhismo loo dhan yahay.

Ujedkeed kiisuna yahay:

a) Maareynta dhismooyinka si loo ilaaliyo Caafimaadka iyo badqabka
dadweynaha.

b) Dejinta Siyaasadda hanaan sharciyeed lagu mideenayo sharciga dhismooyinka
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

c) Dejinta halbeegyo lagu yareynayo khataraha dhismooyinka ka imaan kara, sida liidasho farsamo, agabyada dhisamaha ee aan wanaagsaneyn, dumid dhismo, wax-yeeleyn noolol maalmeedka dadweynaha, fogeynta qashinka, iyo khataraha daadadka iyo nabaad guurka Carrada.

d) Dejinta hanaanka bixinta fasaxa dhismaha oo ay ku jiraan adeegsiga qaabab casri ah, sida e-permit.

e) Dhiiragalinta maalgashiga gudaha iyo midka shisheeye ee dhismooyinka kaas u hoggaansan shuruucda, xeer nidaamiyaasha iyo halbeegyada quseeya arrimaha qorsheynta, ka faa’iideysiga dhulka iyo deegaanka.

f) Hirgelinta nidaam mideysan oo lagu maareynayo dhismooyinka dalka iyo bixinta ruqsadaha fasaxa dhismaha.

g) Horumarinta dhismooyin wax tar u leh dadka iyo deegaanka.

h) Ilaalinta iyo tixgalinta dadka baahyaha gaar ah qaba ee habka dhismaha.

(i) La qabsiga isbedelada Cimilada adduunka qaababka dhismooyinka.

(j) Ilaalinta dhismooyinka taariikhiga ah.

Faa’idada Hindise – sharciyeedka  Fasaxa Dhismaha:

1′ Siyaasadaan waxay wax weyn ka badalaysaa baahida habraaca iyo fasaxa dhismo ee dalka ka jira, waxay tayeynaysaa adeegyada bulsho mid dhaqaale iyo waxqabadka Xukuumadda heerar keeda iyo laamaheeda kala duwan ee u kala baxan:

a. Heer Federaal,
b. Heer Dowlad Goboleed
c. Heer Dowlad Hoose

2′ Hindisahaan sharci waxa uu nidaaminayaa habraacyada iyo fasaxa dhismo ee farsamo ahaan loo baahan yahay iyo heerka darajo maamul ee uu dalka u bahaan yahay.

Previous Post

Wasiirka Amniga Galmudug oo Muqdisho kula kulmay Taliyaha Ciidamada Nabad illaalinta AMISOM

Next Post

Hantidowraha Guud ee Qaranka oo hay’adaha Dowladda ka dalbaday inay soo diiiwangwliyan heshiisyada Dhulalka iyo Guryaha

Next Post
Hantidhawraha guud ee Qaranka oo loo doortay xil muhiim ah

Hantidowraha Guud ee Qaranka oo hay'adaha Dowladda ka dalbaday inay soo diiiwangwliyan heshiisyada Dhulalka iyo Guryaha

Wasiirka Caafimaad XFS Oo Ka Qaybgalay Shirka Caalamiga Ah Ee Doha Forum

Wasiirka Caafimaad XFS Oo Ka Qaybgalay Shirka Caalamiga Ah Ee Doha Forum

December 6, 2025
0

RADIO MUQDISHO(DOHA):-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa maanta ka qayb...

Kusimaha Madaxweynaha Dalka Oo Qaabilay Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Caalamiga Ah Ee Is-Cafinta Iyo Nabadda

Kusimaha Madaxweynaha Dalka Oo Qaabilay Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Caalamiga Ah Ee Is-Cafinta Iyo Nabadda

December 6, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo La Kulmay Amiir Dalka Qatar

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo La Kulmay Amiir Dalka Qatar

December 6, 2025
0

RADIO MUQDISHO(DOHA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan kula qaatay magaalada Dooxa, Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamiim...

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Baaq Nabadeed Kasoo Saaray Qalalaasaha Boorama

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Baaq Nabadeed Kasoo Saaray Qalalaasaha Boorama

December 6, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- BAAQ NABADEED Marka hore, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaska iyo ehellada dadkii ku dhintay bannaanbaxii ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In