Saturday, September 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo Ansixiyay Hindise sharciyeedka Fasaxa dhismaha “SAWIRRO”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo Ansixiyay Hindise sharciyeedka Fasaxa dhismaha  “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa  guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo  lagu ansixiyay hindise sharciyeedka Fasaxa dhismaha iyo magacaabista xubin ka bannaaneyd Guddiga  dib-u-eegista dastuurka oo loo magacaabay  Mudane Daahir Xasan Cabdi.

Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  ayaa ansaxiyay Hindise-Sharciyeedka Fasaxa Dhismaha Soomaaliya oo uu horgeeyay Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Adaan Macalin (Soomaali).

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 26, 2026
Ururka JSP oo  olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

Ururka JSP oo olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

September 26, 2026

Ujeedada Hindise- Sharciyeedka Fasaxa Dhismaha:

Wasaaradda Howlaha Guud, Iyadoo  gudaneysa waajibkeeda shaqo ee kaga aaddan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxay ku talaabsatay sidii loo diyaarin lahaa Sharci Fasaxa dhismo loo dhan yahay.

Ujedkeed kiisuna yahay:

a) Maareynta dhismooyinka si loo ilaaliyo Caafimaadka iyo badqabka
dadweynaha.

b) Dejinta Siyaasadda hanaan sharciyeed lagu mideenayo sharciga dhismooyinka
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

c) Dejinta halbeegyo lagu yareynayo khataraha dhismooyinka ka imaan kara, sida liidasho farsamo, agabyada dhisamaha ee aan wanaagsaneyn, dumid dhismo, wax-yeeleyn noolol maalmeedka dadweynaha, fogeynta qashinka, iyo khataraha daadadka iyo nabaad guurka Carrada.

d) Dejinta hanaanka bixinta fasaxa dhismaha oo ay ku jiraan adeegsiga qaabab casri ah, sida e-permit.

e) Dhiiragalinta maalgashiga gudaha iyo midka shisheeye ee dhismooyinka kaas u hoggaansan shuruucda, xeer nidaamiyaasha iyo halbeegyada quseeya arrimaha qorsheynta, ka faa’iideysiga dhulka iyo deegaanka.

f) Hirgelinta nidaam mideysan oo lagu maareynayo dhismooyinka dalka iyo bixinta ruqsadaha fasaxa dhismaha.

g) Horumarinta dhismooyin wax tar u leh dadka iyo deegaanka.

h) Ilaalinta iyo tixgalinta dadka baahyaha gaar ah qaba ee habka dhismaha.

(i) La qabsiga isbedelada Cimilada adduunka qaababka dhismooyinka.

(j) Ilaalinta dhismooyinka taariikhiga ah.

Faa’idada Hindise – sharciyeedka  Fasaxa Dhismaha:

1′ Siyaasadaan waxay wax weyn ka badalaysaa baahida habraaca iyo fasaxa dhismo ee dalka ka jira, waxay tayeynaysaa adeegyada bulsho mid dhaqaale iyo waxqabadka Xukuumadda heerar keeda iyo laamaheeda kala duwan ee u kala baxan:

a. Heer Federaal,
b. Heer Dowlad Goboleed
c. Heer Dowlad Hoose

2′ Hindisahaan sharci waxa uu nidaaminayaa habraacyada iyo fasaxa dhismo ee farsamo ahaan loo baahan yahay iyo heerka darajo maamul ee uu dalka u bahaan yahay.

Previous Post

Wasiirka Amniga Galmudug oo Muqdisho kula kulmay Taliyaha Ciidamada Nabad illaalinta AMISOM

Next Post

Hantidowraha Guud ee Qaranka oo hay’adaha Dowladda ka dalbaday inay soo diiiwangwliyan heshiisyada Dhulalka iyo Guryaha

Next Post
Hantidhawraha guud ee Qaranka oo loo doortay xil muhiim ah

Hantidowraha Guud ee Qaranka oo hay'adaha Dowladda ka dalbaday inay soo diiiwangwliyan heshiisyada Dhulalka iyo Guryaha

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu mahadcelinayay ciidanka Qaranka sidii ay u...

Ururka JSP oo  olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

Ururka JSP oo olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

September 26, 2026
0

Xubno sare oo ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) oo ay Hogaaninneeysay Senator Duniyo Maxamed Cali ayaa olole doorasho...

Safaaradda Soomaaliya oo qaabishay Madaxa Barnaamijyada UN-Habitat Ee Soomaaliya

Safaaradda Soomaaliya oo qaabishay Madaxa Barnaamijyada UN-Habitat Ee Soomaaliya

September 26, 2026
0

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyay Sophos Sophianos, Madaxa Barnaamijyada ee Hay’adda UN-Habitat Somalia, oo booqasho shaqo ku...

Guddoomiyaha SoDMA oo soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo

Guddoomiyaha SoDMA oo soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo

September 26, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In