Wednesday, August 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Gollaha Ammaanka ee QM oo si adag u cambaareeyay qaraxyadii ka dhacay Muqdisho

caqiil by caqiil
4 years ago
in Wararka
0
Gollaha Ammaanka ee QM oo si adag u cambaareeyay qaraxyadii ka dhacay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada midoobay ayaa waxay sida ugu adag u cambaareeyeen falkii ay Al-Shabaab ka geysatay magaalada Muqdisho, 29-kii Oktoobar 2022.

Waxa ay sheegeen in ay aad uga xun yihiin, isla markaana ay tacsi u direen ehelada dadkii ku dhintay, shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo u rajeeyay caafimaad deg deg ah kuwii ku dhaawacmay.

Related posts

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ ๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐—๐‰๐…๐’ ๐จ๐จ ๐…๐ฎ๐ซ๐ž๐ฒ ๐Œ๐š๐๐š๐ฌ๐ก๐š ๐ˆ๐ฌ๐ค๐ฎ-๐—๐ข๐ซ๐ค๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š

August 25, 2026
Danjiraha JFS ee dalka Kenya oo xarunta safaaradda ku qaabilay Ruth Anne Stevensย 

Danjiraha JFS ee dalka Kenya oo xarunta safaaradda ku qaabilay Ruth Anne Stevensย 

August 25, 2026

Xubnaha Golaha Ammaanku waxay dib u xaqiijiyeen in argagixisadu nooc kasta iyo muuqaal kasta oo ay tahay ay ka dhigan tahay mid ka mid ah khataraha ugu daran ee nabadda iyo ammaanka caalamka. Waxa ay soo dhaweeyeen dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo taageero ka helaya Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ay kaga hortagayaan khatarta Al-Shabaab, waxayna ku booriyeen madaxda Soomaaliya in ay iska kaashadaan la dagaalanka Al-Shabaab.

Xubnaha Golaha Ammaanku waxay hoosta ka xariiqeen baahida loo qabo in lala xisaabtamo dembiilayaasha, abaabulayaasha iyo maalgeliyayaasha falalkaas, lana horkeeno sharciga. Waxay ku booriyeen dhammaan Dawladaha, si waafaqsan waajibaadka ka saaran sharciga caalamiga ah iyo goโ€™aamada Golaha Ammaanka ee khuseeya, inay si firfircoon ula shaqeeyaan dhammaan hayโ€™adaha ay khusayso arrintan.

Xubnaha Golaha Ammaanku waxay ku celceliyeen in falal kasta oo argagixisanimo ay yihiin dembiyo, isla markaana aan marmarsiinyo lahayn, iyada oo aan loo eegin waxa ku kallifay, meel kasta, goor kasta iyo cid kasta oo geysatay. Waxay dib u xaqiijiyeen baahida loo qabo in dhammaan dawladaha ay si kasta ula dagaallamaan khataraha nabadda iyo ammaanka caalamiga ah ee ay sababaan falalka argagixisanimo, si waafaqsan Axdiga Qaramada Midoobay iyo waajibaadka kale ee hoos yimaada sharciga caalamiga ah, oo ay ku jiraan sharciga caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha, sharciga caalamiga ah ee qaxootiga iyo sharciga caalamiga ah ee baniโ€™aadamnimada xilliyada colaadaha.

Xubnaha Golaha Ammaanku waxay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo guulaha amni ee laga gaaray Soomaaliya, waxayna ku dhiirigeliyeen Dowladaha xubnaha ka ah inay kordhiyaan taageerada ay siiyaan ATMIS, si ay ugu suurtagasho inay sii waddo inay si hufan u gudato waajibaadkeeda, iyo sidoo kale Ciidamada Amniga Soomaaliya, si loo taageero hirgelinta Qorshaha Kala-guurka Soomaaliya.

Xubnaha Golaha Ammaanku waxay dib u xaqiijiyeen qadarinta ay u hayaan gobanimada, madaxbanaanida siyaasadeed, midnimada dhuleed iyo midnimada Soomaaliya.

Previous Post

Ciidamada XDS oo sheegay in Gaadiid ay Khawaarijta is Af-duub ah u haysteen ay ku wareejinayaan dadkii lahaa

Next Post

Laftagareen oo kormeeray Garoonka Diyaaradaha Baydhabo

Next Post
Laftagareen oo kormeeray Garoonka Diyaaradaha Baydhabo

Laftagareen oo kormeeray Garoonka Diyaaradaha Baydhabo

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ ๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐—๐‰๐…๐’ ๐จ๐จ ๐…๐ฎ๐ซ๐ž๐ฒ ๐Œ๐š๐๐š๐ฌ๐ก๐š ๐ˆ๐ฌ๐ค๐ฎ-๐—๐ข๐ซ๐ค๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ ๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐—๐‰๐…๐’ ๐จ๐จ ๐…๐ฎ๐ซ๐ž๐ฒ ๐Œ๐š๐๐š๐ฌ๐ก๐š ๐ˆ๐ฌ๐ค๐ฎ-๐—๐ข๐ซ๐ค๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š

August 25, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u furay Madasha Isku-xirka Ganacsiga...

Danjiraha JFS ee dalka Kenya oo xarunta safaaradda ku qaabilay Ruth Anne Stevensย 

Danjiraha JFS ee dalka Kenya oo xarunta safaaradda ku qaabilay Ruth Anne Stevensย 

August 25, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil Ibraahim Cabdulle, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ku qaabilay Ruth...

Shirweynaha Ganacsiga ee Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Ganacsiga ee Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka furmay Muqdisho

August 25, 2026
0

Shirweynaha Xiriirinta Ganacsiga Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay, iyadoo ay ka qeybgalayaan masuuliyiin ka tirsan Dowladda...

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo lagu soo dhaweeyay Wiilka cusub ee dalka Mayerkanka ee Soomaaliya

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo lagu soo dhaweeyay Wiilka cusub ee dalka Mayerkanka ee Soomaaliya

August 24, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil Ibrahim Cabdulle, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ku soo dhaweeyay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In