Monday, October 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Gollaha Ammaanka ee QM oo si adag u cambaareeyay qaraxyadii ka dhacay Muqdisho

caqiil by caqiil
4 years ago
in Wararka
0
Gollaha Ammaanka ee QM oo si adag u cambaareeyay qaraxyadii ka dhacay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada midoobay ayaa waxay sida ugu adag u cambaareeyeen falkii ay Al-Shabaab ka geysatay magaalada Muqdisho, 29-kii Oktoobar 2022.

Waxa ay sheegeen in ay aad uga xun yihiin, isla markaana ay tacsi u direen ehelada dadkii ku dhintay, shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo u rajeeyay caafimaad deg deg ah kuwii ku dhaawacmay.

Related posts

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‹๐š๐›๐š๐š๐ ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ฅ๐ค๐š ๐ฎ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฐ๐š๐ซ๐ž๐ž๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐จ

October 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026

Xubnaha Golaha Ammaanku waxay dib u xaqiijiyeen in argagixisadu nooc kasta iyo muuqaal kasta oo ay tahay ay ka dhigan tahay mid ka mid ah khataraha ugu daran ee nabadda iyo ammaanka caalamka. Waxa ay soo dhaweeyeen dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo taageero ka helaya Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ay kaga hortagayaan khatarta Al-Shabaab, waxayna ku booriyeen madaxda Soomaaliya in ay iska kaashadaan la dagaalanka Al-Shabaab.

Xubnaha Golaha Ammaanku waxay hoosta ka xariiqeen baahida loo qabo in lala xisaabtamo dembiilayaasha, abaabulayaasha iyo maalgeliyayaasha falalkaas, lana horkeeno sharciga. Waxay ku booriyeen dhammaan Dawladaha, si waafaqsan waajibaadka ka saaran sharciga caalamiga ah iyo goโ€™aamada Golaha Ammaanka ee khuseeya, inay si firfircoon ula shaqeeyaan dhammaan hayโ€™adaha ay khusayso arrintan.

Xubnaha Golaha Ammaanku waxay ku celceliyeen in falal kasta oo argagixisanimo ay yihiin dembiyo, isla markaana aan marmarsiinyo lahayn, iyada oo aan loo eegin waxa ku kallifay, meel kasta, goor kasta iyo cid kasta oo geysatay. Waxay dib u xaqiijiyeen baahida loo qabo in dhammaan dawladaha ay si kasta ula dagaallamaan khataraha nabadda iyo ammaanka caalamiga ah ee ay sababaan falalka argagixisanimo, si waafaqsan Axdiga Qaramada Midoobay iyo waajibaadka kale ee hoos yimaada sharciga caalamiga ah, oo ay ku jiraan sharciga caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha, sharciga caalamiga ah ee qaxootiga iyo sharciga caalamiga ah ee baniโ€™aadamnimada xilliyada colaadaha.

Xubnaha Golaha Ammaanku waxay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo guulaha amni ee laga gaaray Soomaaliya, waxayna ku dhiirigeliyeen Dowladaha xubnaha ka ah inay kordhiyaan taageerada ay siiyaan ATMIS, si ay ugu suurtagasho inay sii waddo inay si hufan u gudato waajibaadkeeda, iyo sidoo kale Ciidamada Amniga Soomaaliya, si loo taageero hirgelinta Qorshaha Kala-guurka Soomaaliya.

Xubnaha Golaha Ammaanku waxay dib u xaqiijiyeen qadarinta ay u hayaan gobanimada, madaxbanaanida siyaasadeed, midnimada dhuleed iyo midnimada Soomaaliya.

Previous Post

Ciidamada XDS oo sheegay in Gaadiid ay Khawaarijta is Af-duub ah u haysteen ay ku wareejinayaan dadkii lahaa

Next Post

Laftagareen oo kormeeray Garoonka Diyaaradaha Baydhabo

Next Post
Laftagareen oo kormeeray Garoonka Diyaaradaha Baydhabo

Laftagareen oo kormeeray Garoonka Diyaaradaha Baydhabo

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‹๐š๐›๐š๐š๐ ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ฅ๐ค๐š ๐ฎ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฐ๐š๐ซ๐ž๐ž๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐จ

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‹๐š๐›๐š๐š๐ ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ฅ๐ค๐š ๐ฎ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฐ๐š๐ซ๐ž๐ž๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐จ

October 25, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hayโ€™adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hayโ€™adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In