Monday, January 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Adeegga Bulshada Ee Baarlamaanka Oo Booqday Dhaawacyada Isbitaal Madiina+Sawirro

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Guddiga Adeegga Bulshada Ee Baarlamaanka Oo Booqday Dhaawacyada Isbitaal Madiina+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Guddiga adeega bulashada ee Baarlamaanka Soomaaliya Dr Cismaan Maxamuud Dufle iyo xubno ka tirsan Guddiga ayaa maanta booqday bukaanada ku jira isbtaalka Madiina, gaar ahaan dadkii ku dhaawacmay weerarkii argagixisada Al-Shabaab ay ku qaaday maqaaxi ku taala xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha iyo xubnaha ku waheliya kormeerka ayaa booqday qeybaha kala duwan ee isbitaalka Madiina, halkaasi oo ay ka socotay howlo dayactir ah oo dib loogu howglgelinayo qeybo hor leh oo isbitaalka ka mid ah, iyadoo intii ay kormeerka ku jireen ay xog wareysi la yeesheen qaar ka mid ah bukaanada ku jira isbitaalka.

Related posts

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026

Agaasimaha Isbitaalka Madiina ,Dr Maxamed Yuusf ayaa wafdiga uga warbixiyay xaalada caafimaad ee bukaanada ku jira isbitaalka Madiina.

Dr Cabdsiis Sheekh Yuusuf Direed, oo ah Guddoomiyaha Gudi Hoosaadka Caafimaadka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa bogaadiyay madaxda iyo howlwadeenada isbtaalka Madiina adeegyada ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Guddiga adeega bulashadda Golaha Shacabka, Dr Cusmaan Maxamed Maxamuud Dufle, ayaa tilmaamay in ujeeddada ugu weyn booqashadooda ay tahay ka warqabka adeegayada caafimaad iyo bulshada ay helaan, kaasi oo qeyb ka ah warbixin sanadeedka la xiriira adeegyada bulshada, oo sanadkii mar ay golaha baarlamaanka horgeeyaan.

Dr Cismaan Maxamed Maxamud Dufle ayaa u sharxan bilada Nobole Peace prize, kadib markii uu dhawaan ku guuleystay bilad sharafeed ay guddoonsiisay hay’ad fadhigeegu yahay dalka Talyaanniga, kaasi oo uu ku muteystay u adeegidda bulshada.

bukan-eg-1 (1) bukan-eg-2 bukan-eg-3 bukan-eg-4 bukan-eg-5 bukan-eg-6 bukan-eg-7 bukan-eg-9

 

Previous Post

Guddoomiyaha Barlamanka oo dalka ku soo laabtay kadib safar uu ku tagay dalalka Ciraaq iyo Turkiga

Next Post

Taliska qaybta 21-aad ee Ciidamada xoogga dalka Oo Lagu Wareejiyay Dawooyin “Sawirro”

Next Post
Taliska qaybta 21-aad ee Ciidamada xoogga dalka Oo Lagu Wareejiyay Dawooyin “Sawirro”

Taliska qaybta 21-aad ee Ciidamada xoogga dalka Oo Lagu Wareejiyay Dawooyin “Sawirro”

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan lagu soo bandhigayay Natiijada Qiimeynta iyo Hubinta Hufnaanta Qabashada, Xisaabinta iyo...

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Belgium ayaa maanta qabtay muddaharaad ay kaga soo horjeedeen faragalinta qaawan Isra'iil ee ka dhanka ah...

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa galabnimadii Sabtida kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In