Guddiga doorashooyinka dawladdda Puntland oo ka kooban 9-xubnood isla markaana uu dhowaan cod Aqlabiyad leh ay ku meel mariyey Baarlamaanka Puntland ayaa maanta 25-April-2016 waxaa lagu dhaariyey xafiiska Madaxweyne ku-xigeenku uu kuleeyahay qasriga madaxtooyada Puntland ee magaalada Garoowe.
Munaasabadda dhaarinta guddiga ayaa waxaa goobjoog ka ahaa madaxweyne ku-xigeenka dawladda Puntland ahna ku simaha madaxweynaha Eng Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey, guddoomiyha golaha Wakiillada Puntland Axmed Cali Xaashi iyo xubin ka socotey Maxkamadda sare.
Guddoomiyaha golaha wakiillada Puntland Axmed Cali Xaashi ,oo munaasabadda hadal ka jeediyey ayaa ilaahay uga baryey guddiga In uu u fududeeyo shaqada adag ee loo wakiishay, waxana uu ku boorriyey in ay dedaal dheeraad ah sameeyaan si’ay uga soo dhalaalaan waajibaadka baaxadda leh ee loo igmaday.
Dhinaca kale Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha Eng Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey, ayaa ku tilmaamay xubnaha guddiga in ay ka kooban yihiin dad aqoon yahan ah isla markaana waayo-aragnimo dheeraad ah u leh arrimaha noocaan ah.