Tuesday, November 25, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga fulinta ee GOS oo go’aanno muhiima soo saaray+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Guddiga fulinta ee GOS oo go’aanno muhiima soo saaray+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ayaa magaalada muqdisho ku yeeshay   shirka guddigiisa fulinta oo sadexdii bilba hal mar la qabto, waxaana ka soo qeybgalay xubnaha guddiga fulinta.

Shirkan  oo uu guddoominayay  guddoomiyaha GOS Cabdullaahi Axmed Tarabi, ayaa looga hadlay waxqabadkii Gos ee saddexdii  bilood ee lasoo dhaafay dib-u-eegista dastuurka, iyo  samaynta barnaamij-tiknoloojiyadeed Database ah oo xogta lagu keydiyo, iyo samaynta isku-xir gaar ah oo ka dhaxeeya xubnaha GOS oo xagga internetka ah (Email).

Related posts

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

November 25, 2025
Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

November 25, 2025

Ugu horreyn, waxaa shirka ka hadlay xoghayaha GOS Duran Axmed Faarax,  oo sharraxaad ka bixiyay waxqabdkii  saddexdii bilood ee lasoo dhaafay, waxa uuna xoghayahu xusay; in ay qabsoomeen inta badan qorshayashii la meel-mariyay Shirkii Guddiga Fulinta ee April.

Dhanka kale, Faadumo Cali Nuur, oo ahayd   Madaxa Wafdigii ka qeybgalay ciyaaraha Rio, ayaa si wanaagsan uga warbixisay ka-qeybalkoodii ciyaaraha Rio,   iyo soo-dhaweyntii loo sameeyay,  waxa ayna soo-Jeedisay in si wadajir ah loogu istaago u-diyaar- garowga ciyaaraha Tokyo 2020, si loo gaaro natiijo wax-ku-ool ah.

Warbixintan ka dib, waxa uu shirku go’aamiyay in guddi gaar ah loo xilsaaro u-diyaar-garowga tartamada caalamiga ah.

Xubnaha Guddiga Fullinta, ayaa waxaa kale oo ay ka doodeen dib-u-eegista qodobbo dastuurka ka mid ah, samaynta saldhig-xogeed Internetka ah (Database) iyo isku-xir ka dhaxeeya xubnaha guddiga olombikada Soomaaliyeed (Email).

Shirka, ayaa sidoo kale waxaa  lagu falanqeeyay hannaanka ka-qeyb-galka ciyaaraha Olombikada Adduunka qaabka looga  horumari karo heerka ay  hadda  joogto, sida loo horumarin karo xiriirrada dalka, si ay natiijo wax-ku-ool ah uga keenaan tartamada  ay ka qeybgalaan.

Geesta kale, waxa uu shirku meel-mariyay wax-ka-beddel lagu sameeyay dastuurka GOS, iyada oo la tixgelinayo soo-jeedinno ka yimid Guddiga Olombikada Adduunka, waxaana qodobada dastuurka lagu soo kordhiyay ee la ansixiyay ka mid ah:

1- Qodobka  8-da, farqadiisa 7-aad, ee Dastuurka GOS, ayaa waxaa laga dhigay; in Guddiga Cayaartoyada Soomaaliyeed ( Somali Athletes) , in ay shirweynaha GOS ku yeeshaan metelaad laba xubnood ah, kuwaas oo noqonaya cayaartooy ka qeybgashay ugu yaraan hal ka mid ah saddexdii cayaarood ee ugu dambeeyay Olombikada Adduunka.

2- Qodobka 15-aad, farqadiisa E  oo sheegeysa; in xubnaha guddiga Fulinta ee GOS oo 11 ah, uu mid ka mida noqonayo xubin metelaysa guddiga cayaartooyda, kaas oo la rabo in uu ahaado cayaartooy ka qeybgalay ugu yaraan mid ka mida saddexdii cayaarood ee ugu dambeeyay Olombikada Adduunka.

Ugu dambayn, waxaa  shirka  soo xiray Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed Cabdullaahi Axmed Tarabi, kaas oo muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay qaabka isa-sixidda iyo dood-wadaagga hufan ah ee ay xubnaha guddiga fulintu ku wadeen shirkooda. Waxaana uu caddeeyay in ka-guul-gaaridda howlaha GOS ay ku xiran tahay xoojinta wada-shaqaynta dhexdooda ah, iyo iskaashiga dowladda iyo shacabka.

 Waaxda Warfaafinta GOS

[email protected]

IMG_8438 IMG_8366 IMG_8360 IMG_8362 IMG_8358 DSC08311 DSC08325 DSC08333

 

Previous Post

Magaalada Kismaayo oo caawa laga maqalay Qaraxyo Xooggan

Next Post

Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan Shabaab oo lagu qaarajiyay gobolka Sh/hoose

Next Post
Maxaa u sabab ah burburka Alshabaab?

Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan Shabaab oo lagu qaarajiyay gobolka Sh/hoose

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

November 25, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah XFS, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa xafiiskiisa ku soo dhaweeyey Safiirka Dowladda aan...

Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

November 25, 2025
0

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS), isaga oo gudanayo waajibaadka Dastuuriga ah iyo awoodaha uu sinayo Xeerka Doorashooyinka...

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed

November 24, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo daahfuray Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in dowladdu ay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka

November 24, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa magaalada Muqdisho ka daah-furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In