Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga fulinta ee GOS oo go’aanno muhiima soo saaray+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Guddiga fulinta ee GOS oo go’aanno muhiima soo saaray+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ayaa magaalada muqdisho ku yeeshay   shirka guddigiisa fulinta oo sadexdii bilba hal mar la qabto, waxaana ka soo qeybgalay xubnaha guddiga fulinta.

Shirkan  oo uu guddoominayay  guddoomiyaha GOS Cabdullaahi Axmed Tarabi, ayaa looga hadlay waxqabadkii Gos ee saddexdii  bilood ee lasoo dhaafay dib-u-eegista dastuurka, iyo  samaynta barnaamij-tiknoloojiyadeed Database ah oo xogta lagu keydiyo, iyo samaynta isku-xir gaar ah oo ka dhaxeeya xubnaha GOS oo xagga internetka ah (Email).

Related posts

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

September 28, 2026
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026

Ugu horreyn, waxaa shirka ka hadlay xoghayaha GOS Duran Axmed Faarax,  oo sharraxaad ka bixiyay waxqabdkii  saddexdii bilood ee lasoo dhaafay, waxa uuna xoghayahu xusay; in ay qabsoomeen inta badan qorshayashii la meel-mariyay Shirkii Guddiga Fulinta ee April.

Dhanka kale, Faadumo Cali Nuur, oo ahayd   Madaxa Wafdigii ka qeybgalay ciyaaraha Rio, ayaa si wanaagsan uga warbixisay ka-qeybalkoodii ciyaaraha Rio,   iyo soo-dhaweyntii loo sameeyay,  waxa ayna soo-Jeedisay in si wadajir ah loogu istaago u-diyaar- garowga ciyaaraha Tokyo 2020, si loo gaaro natiijo wax-ku-ool ah.

Warbixintan ka dib, waxa uu shirku go’aamiyay in guddi gaar ah loo xilsaaro u-diyaar-garowga tartamada caalamiga ah.

Xubnaha Guddiga Fullinta, ayaa waxaa kale oo ay ka doodeen dib-u-eegista qodobbo dastuurka ka mid ah, samaynta saldhig-xogeed Internetka ah (Database) iyo isku-xir ka dhaxeeya xubnaha guddiga olombikada Soomaaliyeed (Email).

Shirka, ayaa sidoo kale waxaa  lagu falanqeeyay hannaanka ka-qeyb-galka ciyaaraha Olombikada Adduunka qaabka looga  horumari karo heerka ay  hadda  joogto, sida loo horumarin karo xiriirrada dalka, si ay natiijo wax-ku-ool ah uga keenaan tartamada  ay ka qeybgalaan.

Geesta kale, waxa uu shirku meel-mariyay wax-ka-beddel lagu sameeyay dastuurka GOS, iyada oo la tixgelinayo soo-jeedinno ka yimid Guddiga Olombikada Adduunka, waxaana qodobada dastuurka lagu soo kordhiyay ee la ansixiyay ka mid ah:

1- Qodobka  8-da, farqadiisa 7-aad, ee Dastuurka GOS, ayaa waxaa laga dhigay; in Guddiga Cayaartoyada Soomaaliyeed ( Somali Athletes) , in ay shirweynaha GOS ku yeeshaan metelaad laba xubnood ah, kuwaas oo noqonaya cayaartooy ka qeybgashay ugu yaraan hal ka mid ah saddexdii cayaarood ee ugu dambeeyay Olombikada Adduunka.

2- Qodobka 15-aad, farqadiisa E  oo sheegeysa; in xubnaha guddiga Fulinta ee GOS oo 11 ah, uu mid ka mida noqonayo xubin metelaysa guddiga cayaartooyda, kaas oo la rabo in uu ahaado cayaartooy ka qeybgalay ugu yaraan mid ka mida saddexdii cayaarood ee ugu dambeeyay Olombikada Adduunka.

Ugu dambayn, waxaa  shirka  soo xiray Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed Cabdullaahi Axmed Tarabi, kaas oo muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay qaabka isa-sixidda iyo dood-wadaagga hufan ah ee ay xubnaha guddiga fulintu ku wadeen shirkooda. Waxaana uu caddeeyay in ka-guul-gaaridda howlaha GOS ay ku xiran tahay xoojinta wada-shaqaynta dhexdooda ah, iyo iskaashiga dowladda iyo shacabka.

 Waaxda Warfaafinta GOS

[email protected]

IMG_8438 IMG_8366 IMG_8360 IMG_8362 IMG_8358 DSC08311 DSC08325 DSC08333

 

Previous Post

Magaalada Kismaayo oo caawa laga maqalay Qaraxyo Xooggan

Next Post

Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan Shabaab oo lagu qaarajiyay gobolka Sh/hoose

Next Post
Maxaa u sabab ah burburka Alshabaab?

Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan Shabaab oo lagu qaarajiyay gobolka Sh/hoose

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

September 28, 2026
0

Magaalada Edmonton gobolka Alberta ee dalka Canada ayaa waxaa lagu qabtay munaasabad aad u ballaaran oo ay kasoo qeybgaleen Aqoonyahanno...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Dugsiga Tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure tababar ugu soo...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Hay’adda kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026
0

Waxaa Degmada Guriceel ka qabsoomay kulan iyo olole ballaaran oo lagu taageerayey musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran ee u taagan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In