Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka oo ka dooday sharciga Shaqaalaha

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka oo ka dooday sharciga Shaqaalaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maanta waxaa kulan ku yeeshay Xarunta Golaha iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Ururka Shaqaalaha Soomaaliyeed.

Kulan kaasoo Ajendahiisu  ahaa Marxaladda iyo Xaaladaha Guud ee ku sugan yihiin Shaqaalaha Soomaaliyeed iyo baahida loo qabo in la meel-mariyo Shuruucda Caalamiga ah ee Hay’adda Shaqaalaha Aduunka oo marka lasoo gaabiyo loo yaqaano ILO.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026
Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

January 31, 2026

Xoghayaha Guud ee Ururka Shaqaalaha Soomaaliyeed  Mudane Cumar Faaruuq ayaa    warbixin Guud ka siiyay Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 11aad. xaalada Guud ay ku sugan yihiin Shaqaalo weynaha Soomaaliyeed.

Hanaanka ay ku shaqeeyaan Shaqaalaha Soomaaliyeed iyo Qaabka  loo Horumarin karo

si kor loogu qaado Aqoontta Qibradda iyo waayo-aragnimada  shaqada,  taasoo ka saacidaysa fulinta hufnaanta iyo tayaynta Shaqada.

Waxuuna sidoo kale sheegay inay jiraan caqabado badan oo haysta Shaqaalaha Soomaaliyeed iyo sdii xal waara loogu heli lahaa.

Cumar Faaruuq ayaa ka codsaday Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka inay meel-mariyaan shuruucda Hay’adda Caalamiga ah ee  ee marka lasoo Gaabiyo loo yaqaano ILO.

Waxayna Kala yihiin.

B) Barnaamijka Shaqo Hufan ee Hay’adda Shaqaalaha Adduunka

T) Heshiiska Caalamiga ah ee Hay’adda Shaqaalaha Adduunka  LR 138 ee la Dagaalanka ku shaqaysiga Caruurta

J) Kala guurka shaqada ee Caddaaladda ku dhisan  Sharciga Hay’adda Caalamiga ah ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaano ILO.

Dhanka kale Xildhibaan Gudoomiye Nadra Cabdi ayaa uga mahadcelisay  Xoghayaha Guud ee Ururka Shaqaalaha Soomaaliyeed.

Sida wanaagsan oo uu uga warbixiyeen xaaladaha Guud ee ay sugan yihiin Shaqaalaha Soomaaliyeed, ayadoo sheegtay inay wax badan ka qaban doonaan Arrimaha Shaqaalaha iyo xaquuq-dooda Aas-aasiga ah sidoo kalena ay Dardar gelin doonaan  meel-marinta Shuruucdan Caalamiga ah.

Waxay sheegtay inay si wanaagsan u wada shaqeyn doonaan xoojina doonaan ka warqabka la socodka Arimaha Shaqaalaha Soomaaliyeed ka guddi ahaana Mas’uuliyiinta Gaar ah iska saari doonaan guud ahaan  Arimaha  Shaqaalaha iyo sharciyadooda.





Previous Post

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay wafdi ka socday dowladda Turkiga “SAWIRRO”

Next Post

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo magacaabay guddi ka soo talabixiya heshiiska Golaha Wadatashiga Qaranka

Next Post
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo magacaabay guddi ka soo talabixiya heshiiska Golaha Wadatashiga Qaranka

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo magacaabay guddi ka soo talabixiya heshiiska Golaha Wadatashiga Qaranka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Jigjiga):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa goordhaw magaalada Jigjiga ka dagay, halkaas oo si diirran uu...

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xamse Aadan, ayaa sheegay tilmaamay in Soomaaliya ay fadhiga Golaha Ammaanka ee...

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Jamhuuriyadda Turkiga ayaa magaalada Ankara si rasmi ah ugu soo gebagabeeyay barnaamijka Tababarka...

Soomaaliya iyo Hindiya oo sii xoojinaya xiriirka Laba-Geesoodka ah ee labada dal

Soomaaliya iyo Hindiya oo sii xoojinaya xiriirka Laba-Geesoodka ah ee labada dal

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO(New Delhi):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta Magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In