WAR SAXAFADEED
Haddaba Isutagga Shirkadaha Diyaaradaha Somaliyeed ,oo ah mid ay hoos yimadaan kuna midobeen tiro kor u dhaafeysa 70% dayuuradaha rakaabka iyo kuwa xamuulka ee ka hawl-gala garoonka Aadan Cadde ayaa war-saxafdeedkan ku waxa ay ku caddeynayaan.
In aysan la wadagin mas’uliyiinta guddiga kor ku xusan arragtida iyo eedeymaha loo soo jeediyay Wasaaradda Maaliyadda iyo Shirkadda Favori ee qodobada kor ku vxusan.
Isutaggu wuxuu halkan ku caddeynayaa in uruurinta lacagaha adeegyada iyo cashuuraha ay qabato shirkadda Favori yihiin kuwo waafaqsan sharciga kana mid ah qodobada heshiiska Favori iyo Xukuumadda Somaliyeed ayna xaqiiqada ka fog tahay in kuwaasi yihiin ku takrifal sida hadalka mas’uliyiinta guddigu u ekeysiyeen. .
Isutaggu wuxuu qirayaa in muddadii ka dambeysay hirgelinta heshiiska xukuumadda Somaliyeed iyo Shirkadda Favori hirgalay,la dareemay kor-u-kac muuqda oo ku yimid lacagaha ka soo xerooda garoonka Aadan.
Isutaggu wuxuu qirayaa in yadoo ay jiraan xaalado adag oo uu keenay cudurka COVID19 haddana ay muuqdaan hawlo baaxad weyn leh sida buuxinta qeybta badda, ballarinta garoonka.
Ugu dambeyn, Isutaggu wuxuu qirayaa in ay jiri karaan dhaliilo iyo hawlo sixitaan u baahan, taasna loo baahan yahay in goobaha munaasabka ah looga wada
Gudddomiyaha Isutagga Shirkadaha Diyuuradaha Somaliyeed Maxamed Diini.