Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka oo warbixin ka dhageystay xubno ka socday Wasaaradda Dastuurka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka oo warbixin ka dhageystay xubno ka socday Wasaaradda Dastuurka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka kula kulmay xubno uu hogaaminaayay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xuseen Cabdi Cilmi, iyadoo uu kulankaasi shir guddoominayay guddoomiyaha Golaha Shacabka

 

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

Kulanka ayaa waxaa loogu hadlay halka ay marayaan hanaanka dib u eegista Dastuurka, wada shaqeynta Guddiyada Dastuurka iyo Wasaaradda Dastuurka.

Wasaaradda Dastuurka ayaa soo bandhigtay intii uu kulanka socday cutubyada lagu guuleystay in dib u eegis lagu sameeyo iyo kuwa hadda ay dib u eegista ku socdaan.

Sidoo kale Wasaaradda Dastuurka ayaa soo bandhigtay jadwalka shaqada ee la xiriira howlaha dib u eegista iyo caqabadaha hor taagan in qodobada qaar dib u eegis lagu sameeyo.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xuseen Cabdi Cilmi ayaa sheegay in Wasaaradda Dastuurka ay wado dadaaladii ugu dambeeyay ee dib u eegista loogu sameynayo Dastuurka.

“Runtii Wasaaradda dadaal ayay wadaa, Golaha Shacabka waxa ka codsanaya in Wasaaradda dastuurka iyo Guddiyada dhisan inaad kala shaqeysaan howlaha culus ee horyaallo, si loogu guuleysto in dastuur loo dhan yahay aan yeelano”. ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dastuurka.

Xubnaha Guddiga Joogtada ee kulanka ka qeyb galay ayaa Wasiir ku-xigeenka iyo xubnihii la socday weydiiyay su’aalo ku saabsan cutubyada dib u eegista lagu sameeyay, sidoo kale waxa ay ku biiriyeen talooyinkooda.

Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa kulanka ka sheegay in ay muhiim tahay in si wadajir ah loo shaqeeyo.

“Wasaaradda iyo qubaradu aad bey u mahadsan yihiin wixii xog ahaa wa la kala helay maanta, waana la is wareystay, waxa aan ka hadleyno waa masiirka Ummadda Soomaaliyeed, hadii aan la iska kaashan oo aan la istaageerin laguma guuleysanayo howlahaan socda”. ayuu yiri Guddoomiye Mahad Cabdalla Cawad.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo kulanka soo xiray ayaa ku dheeraaday muhiimada dastuurka iyo dardar gelintya howlaha dib u eegista.

Guddoomiyaha ayaa Wasaaradda dastuurka faray iney shaqooyinka ay wadaan sii labada jibaaraan, golaha shacabkana ay usoo gudbiyaan warbixin dhameystiran si waqtiga haray loogu faa’iideysto.

“Golaha shacabka waxa uu matalaa shacabka Soomaaliyeed, warbixinta aad maanta na siiseen ma ahan mid aan ku qanci karno, mana aqbaleyno in howsha dib u eegista ay sidaan ku sii socoto, waxa rabnaa inad la timaadaan qorshe cad, Golaha Shacabka waxa uu diyaar u yahay inuu idiinla shaqeeyo habeen iyo maalin”. ayuu yiri Guddoomiyaha golaha shacabka.

Ugu dambeyn Guddoomiye Mursal ayaa sheegay in Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka uu la xisaabtamayo Wasaaradda Dastuurka iyo Guddiyada ku howlan dib u eegista dastuurka.

 

——DHAMMAAD——

Previous Post

Ardayda Soomaaliyeed ee Malaysia oo bogaadiyay adeegyada Safaaradda Soomaaliya ee Malaysia “SAWIRRO”

Next Post

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare oo ka qeyb galay xuska Akadeemiye Goboleedka Afka Soomaaliga “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare oo ka qeyb galay xuska Akadeemiye Goboleedka Afka Soomaaliga “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare oo ka qeyb galay xuska Akadeemiye Goboleedka Afka Soomaaliga "SAWIRRO"

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In