Friday, July 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Maamulka Maaliyadda oo ku howlan hagaajinta heshiisyada Shidaalka iyo Gaaska

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga maamulka maaliyadda ayaa kulankiisii billa ahaa ee 19-aad wuxuu ku yeeshay xarunta madaxtooyada Muqdisho. Guddiga ayaa ka dooday warbixin ay soo saartay kooxda dabagalka cunaqabataynta hubka ee Ereteria iyo Soomaaliya, gaar ahaan walaacyada laga muujiyay nidaamka maaraynta daqliga. Guddigu ayaa kuurgal ku sameeya dib uga xaajoodka qandaraasyada dowladda iyo soo uruurinta dakhliga si loo hagaajiyo waxqabadka qandaraaska, korna loogu qaado qiimaha waxa lacagtu ay goyso marka ay dowladda wax iibsanayso si looga gun gaaro hagaajinta daahfurnaanta loo samaynayo canshuur bixiyeyaasha.

 

Related posts

Taliyaha Ciidanka Dhulka Dowladda Jamhuuriyadda Turkiga, Metin Tokel, oo booqasho rasmi ah ku yimid Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Dhulka Dowladda Jamhuuriyadda Turkiga, Metin Tokel, oo booqasho rasmi ah ku yimid Soomaaliya

July 10, 2026
Wasiir Fiqi oo ciidanka xoogga faray in ay diyaargaroobaan

Wasiir Fiqi oo ciidanka xoogga faray in ay diyaargaroobaan

July 10, 2026

Guddiga ayaa ku howlan dib-u-eegista dakhliga ka soo xarooda garoonka, canshuuraha wado marista, qandaraasyada, taarigooyinka baabuurta, iyo dib-u-eegista maaraynta dekedda oo lagu wado inay bilaabato 2017.

 

Ugu horayntii Guddiga maamulka maaliyadda ayaa ka dooday howlaha bangiga ee muhiimka u ah daqli aruurinta, Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga Dhexe waxayna si wada jir ah u aas aasi doonaan isfaham ogolaanaya in dowladda iyo bangiyada ganacsiga laga sameeyo akoono daqli ururin, waxaana isfahamka dib-u-eegis ku samaynaya xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, iyadoo looga gol leeyahay in la hagaajiyo maaraynta lacagta gacanta lagu qabanayo, lana abuuro xaalado kor u qaadaya niyadda canshuur bixiyeyaasha iyo horumarinta hanaanka bangiyada.

 

Sidoo kale Gudigu ayaa dib-u-eegis ku sameeyay heeshiiska nidaamka  shidaalka iyo qaybsiga  soo saarida gaaska kaas oo ay soo saartay Wasaaradda Shidaalka iyo Macdanta. Heshiiska ayaa sal u noqonaya nidaam wada shaqayn oo u dhexeeya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo shirkadaha shidaalka. Guddigu wuxuu sidoo kale xoogga saarayaa arrimaha lacagaha ee heshiiska isagoo ku talo bixiyay in shirkadaha shidaalka ay dhiibaan canshuurta shirkadaha oo laga bixinayo saamiga shirkadaha iyo macaashka gaaska la iibiyo. Guddigu ayaa ku taliyay wada xaajoodyada gaarka ah inay ku salaysnaadaan hanaanka wada qaybisiga (Production Sharing Agreement). Guddigu wuxuu sidoo kale ka  dooday nidaamka ay dowladda Soomaaliya u wajahayso hanaanka qaybsiga khayraadka dabiiciga ah.

 

Guddigu wuxuu ku nuux-nuuxsaday in saamiga daqliga khayraadka dabiiciga ah la qoondeeyo sanad walba si loogu isticmaalo kharashaadka dowladda iyo maalgalinta kaabayaasha dhaqaalaha.Waxaa kale oo gudiga maamulka maaliyaddu uu isku raacay in la soo jeediyo qodobo lagu darayo sharciga maamulka maaliyadda dowladda kaas oo qeexidoona mabadii’da quseeysa maaraynta dakhliga kheyraadka dabiiciga ah ee ku saabsan siyaasadda lacagta, qaybsiga dakhliga, qulqulka lacagta, iyo maaraynta lacagaha.

 

Ugu dambayntii, Guddiga Maamulka Lacagta wuxuu isku raacay inuu diyaariyo warbixin  maamulka maaliyadda si dib u eegis loogu sameeyo ilaa iyo 2014 islamarkaasina falaqayn lagu sameeyo caqabadaha taagan. Warbixinta ayaa diyaar noqon doonta horaanta sanadka 2017 waxayna dowladda cusub siin doontaa macluumaadka ku saabsan arrimaha maamulka maaliyadda.

Gudiga maamulka maaliyadda waxaa la aas aasay horraantii sanadka 2014 iyadoo dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka ay ku heshiiyeen samaynta gudigaan si uu u noqdo madal loo adeegsado talobixinta iyo wadahadalka ku saabsan istaraatijiyada maamulka arrimaha maaliyadda. Waxaana guddiga xubno ka ah Wasiirka Maaliyadda Maxamed Aden Ibraahim Ferkeeti oo gudoomiye u ah guddiga, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe, Wakiilo ka socda xaafiiska Ra’iisal Wasaaraha, Wakiilo ka socda xaafiiska Madaxweynaha, Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka, Xeer ilaaliyaha qaranka, Xubno matalaya Bangiga Addunka, Hay’adda lacagta adduunka, iyo Deeqbixiyeyaasha

Previous Post

Olole sare loogu qaadayo waxbarashada oo ka socda Godinlabe Galgaduud.

Next Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Taliyaha Ciidanka Dhulka Dowladda Jamhuuriyadda Turkiga, Metin Tokel, oo booqasho rasmi ah ku yimid Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Dhulka Dowladda Jamhuuriyadda Turkiga, Metin Tokel, oo booqasho rasmi ah ku yimid Soomaaliya

July 10, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya – Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta Garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyey...

Wasiir Fiqi oo ciidanka xoogga faray in ay diyaargaroobaan

Wasiir Fiqi oo ciidanka xoogga faray in ay diyaargaroobaan

July 10, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa ciidanka xoogga dalka iyo ciidanka deegaanka ee ku jira dugsiga tababarrada Qoriloow...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay suxufiyiinta warbaahinta gaarka loo leeyahay

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay suxufiyiinta warbaahinta gaarka loo leeyahay

July 9, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta Beerta Nabadda kulan kula yeeshay suxufiyiinta warbaahinta...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

July 9, 2026
0

Taliska Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa maanta xaruntiisa ku qabtay shirka Talisyada Qaybaha Ciidanka Dhulka, kaas oo uu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In