Guddoomiyaha Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalmiga iyo La-xisaabtanka Hay’adaha Dawladda Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux ayaa maanta shir-guddoomiyey kulanka Guddiga.
Kulankan ayaa ahaa mid Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha loogu yeeray kulan shaqo taariikhdu markay ahayd Agoosto 20, 2023 ujeedkiisuna ahaa: (1) Warbixin Guud ee Wasaaradda oo dhammeystiran; (2) Warbixin Mashaariicda dalka ka socda kuwa Miisaaniyadda ku jira iyo kuwa aan ku jirin; (3) Warbixin Hay’adda Tira-koobka (Statistics) Qaranka.
Wasiirka iyo howlwadeennadii la socday oo kala ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda; Agaasimaha Guud ee Hay’adda Tira-koobka (Statistics) Qaranka; Agaasimaha Waaxda Horumarinta Dhaqaalaha; Agaasimaha Waaxda Kormeerka iyo Qiimeynta iyo Xalka Waara; Ku-simaha Agaasimaha Waaxda Qorsheynta; Madaxa Mashruucda Barwaaqo; iyo Madaxa Mashruuca SCRP. ayaa mid mid uga warbixiyey shaqooyinka ay Qaran u haayaan.
Ugu dambeyntii; Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux oo soo xiray kulanka ayaa tilmaamay in lagu balamay in Wasaaradda loogu yeeri doono kulan kale oo shaqo iyo Su’aalo weydiin Insha Allah.