Tuesday, November 18, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga qaban qaabada maalmaha xorriyadda oo booqday Wasaaradda Gaashaandhigga-Sawirro

caqiil by caqiil
7 years ago
in Wararka
0
Guddiga qaban qaabada maalmaha xorriyadda oo booqday Wasaaradda Gaashaandhigga-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee xukuumadda Soomaaliya, mudane Daahir Maxamuud Geelle, ahna guddoomiyaha guddiga qaban qaabada maalmaha xorriyadda dalka oo uu wehliyo wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa maanta kormeer howleed ku tagay xarunta wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Wasiirada iyo masuuliyiintii kale ee la socotay ayaa waxaa xarunta wasaaradda ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe)  isla markaana xubin ka ah guddiga.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo shir heer Qaran ku soo xiray Muqdisho

Guddoomiyaha SoDMA oo shir heer Qaran ku soo xiray Muqdisho

November 18, 2025
Guddiga Dowladnimada Danabeysan oo kulan muhiim ah yeeshay

Guddiga Dowladnimada Danabeysan oo kulan muhiim ah yeeshay

November 17, 2025

U jeedada kormeerka wasiiradan ayaa aheyd u kuur gelida hanaanka loo carbiyay ciidanka xoogga dalka ee ka qeyb qaadan doono dabaaldega maalinta xorriyadda oo wasiirka Gaashaandhigga, mudane Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) uu halkaas ku diyaariyay.

Cutubyada ka tirsan ciidanka xoogga dalka ee loo diyaariyay in ay ka qeyb qaataan fantasiyaha iyo damaashaadka 1-da Luulyo ayaa xarunta wasaaradda gaashaandhigga ku soo bandhigay gaarti ka cayaar iyadoo mas’uuliyiinta ay sheeda ka daawanayeen.

Wasiirka Gaashaandhigga mudane Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) ayaa xubnaha kale ugu warbixiyay sida loo diyaariyay ciidankan, isagoo u mahadceliyay wasiiradda kormeerka ku yimid xarunta wasaarada.

U diyaar garowga, maalinta qiimaha badan ee 1-da Luulyo oo ah maalinta xorriyadda iyo israacii labadii gobol ee Soomaaliya ee Koofur iyo Waqooyi ayaa si dardar leh ku socota, iyadoo dowladda Soomaaliya u xil saartay guddiga wasiiro ah oo uu guddoomiye ka yahay wasiirka warfaafinta Soomaaliya, mudane Daahir Maxamuud Geelle.

Previous Post

Daawo” Xuska maalinta cafiska Soomaaliyeed oo xalay lagu qabtay Magaalada Gaalkacyo

Next Post

Shirka Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee DFS, D/Goboleedyada iyo G/Banaadir oo furmay “SAWIRRO”

Next Post
Shirka Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee DFS, D/Goboleedyada iyo G/Banaadir oo furmay “SAWIRRO”

Shirka Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee DFS, D/Goboleedyada iyo G/Banaadir oo furmay "SAWIRRO"

Guddoomiyaha SoDMA oo shir heer Qaran ku soo xiray Muqdisho

Guddoomiyaha SoDMA oo shir heer Qaran ku soo xiray Muqdisho

November 18, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo xiray shir heer Qaran...

Guddiga Dowladnimada Danabeysan oo kulan muhiim ah yeeshay

Guddiga Dowladnimada Danabeysan oo kulan muhiim ah yeeshay

November 17, 2025
0

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha waxaa maanta ka qabsoomay kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Dowladnimada Danabeysan, guddigan oo uu Ra’iisul Wasaare Xamse...

Xildhibaanada labada Aqal ee BFS oo Akhrinta labaad marsiiyay xisaab xirka sanad miisaaniyadeedkii 2024

Xildhibaanada labada Aqal ee BFS oo Akhrinta labaad marsiiyay xisaab xirka sanad miisaaniyadeedkii 2024

November 17, 2025
0

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka, iyagoo ka...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

November 17, 2025
0

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa xarunta Madaxtooyada Baydhabo kula kulmay Safiirka Midowga Yurub ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In