Wednesday, July 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Guddiga tartan cilmiyeedka oo go’aamiyay in la isku celiyo tartamayaasha Wadajir iyo Yaaqshiid

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Keyd Hore, Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Wararka
0
Tartamayaasha degmada Kaxda oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka “SAWIRRO+DHAGEYSO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo ay si wada jir ah u baahinayaan Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ee SNTV, uuna taaba gelineyo sanadkii saddexaad Maamulka Gobolka Benaadir ayaa caawa wareegiiisa saddexaad waxaa tartan aad u xiiso badan ku dhexmaray degmooyinka Yaaqshiid Vs Wadajir oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen dadaal iyo anshax wanaag inta uu tartanku socday.

Tartanka oo ahaa mid aad u xiiso badan ayaa tartamayaasha labada degmo waxa ay muujiyeen tartan wanaag oo ku dhisan aqlaaq iyo aqoon.

Related posts

Howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta oo sii xoogeysanaya (WARBIXIN)

Howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta oo sii xoogeysanaya (WARBIXIN)

July 15, 2026
Wasiirka Qoyska oo booqasho ku tagtay Safaaradda Soomaaliya ee Pakistan

Wasiirka Qoyska oo booqasho ku tagtay Safaaradda Soomaaliya ee Pakistan

July 15, 2026

Sida xeerka barnaamijka dhigayo tartamaayasha labada degmo waxaa si isku mid ha loo weydiiyay min todobo su’aal oo ah su’aalaha loogu talagalay tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka.

Guddiga tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka ayaa shaaciyay in dhibcihii caawa ee labada tartame la shaacin doonin, isla markaana uu go’aamiyay in markale la isugu celiyo tartamayaasha Wadajir iyo Yaaqshiid oo ka wada tirsan gobolka Benaadir, guddiguna uu dib ka soo sheegi doono sababta keentay in dib la isugu celiyo labada tartame.

Habeen dambe oo ah habeenka 23aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona degmooyinka Yaaqshiid iyo Wadajir oo uu guddiga go’aamiyay in la isku celiyo, waxaana tartanka koowaad uu dhici doonaa 7:30pm fiidnimo, halka ay isla habeen dambe saacaddu marka ay tahay 10:00pm is arki doonaan tartamayaasha Degmooyinka C/casiis iyo Kismaayo oo ka kala tirsan gobolada Benaadir iyo Jubbada Hoose.

 

Previous Post

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo Kormeeray Warshadda Tababarka Maxaabiista (Sawirro)  

Next Post

Mareykanka uu safiir cusub u soo diri doona Soomaaliya

Next Post
Dowladda Mareykanka oo shaacisay inay dib u bilaabeyso howlihii diblomaasiyadeed ee Soomaaliya

Mareykanka uu safiir cusub u soo diri doona Soomaaliya

Howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta oo sii xoogeysanaya (WARBIXIN)

Howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta oo sii xoogeysanaya (WARBIXIN)

July 15, 2026
0

Wasaaradda difaaca Soomaaliya ayaa sheegtay in commandos-ka Danab ay dileen toddoba dagaalyahan oo kooxda Khawaarijta Al-Shabab ah, oo ay ku...

Wasiirka Qoyska oo booqasho ku tagtay Safaaradda Soomaaliya ee Pakistan

Wasiirka Qoyska oo booqasho ku tagtay Safaaradda Soomaaliya ee Pakistan

July 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa maanta booqasho rasmi ah...

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS oo furay Shirweynaha Saddexaad ee Madasha Horumarinta Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS oo furay Shirweynaha Saddexaad ee Madasha Horumarinta Soomaaliya

July 14, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa furay Shirweynaha Saddexaad ee Madasha Horumarinta Soomaaliya (Somalia Development...

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo Bogaadiyay Wariye Maxamed Cabdullaahi Cabdiraxmaan (Shilaawe)

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo Bogaadiyay Wariye Maxamed Cabdullaahi Cabdiraxmaan (Shilaawe)

July 14, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa uga mahadceliyay Wariye Maxamed Cabdullaahi Cabdiraxmaan (Shilaawe), oo ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In