Friday, July 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mareykanka uu safiir cusub u soo diri doona Soomaaliya

caqiil by caqiil
June 28, 2016
in Wararka
0
Dowladda Mareykanka oo shaacisay inay dib u bilaabeyso howlihii diblomaasiyadeed ee Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Mareykanka ayaa buuxisay maranaanshihii xagga diblomaasiyadda ee Soomaaliya ay la laheyd, kadib markii Isniintii la dhaariyay safiirkii ugu horeeyay ee Mareykanka uu u soo diro Soomaaliya muddo ka badan 25 sano.

Danjire Stephen Schwartz, ayaa lagu dhaariyay magaalada Washington in uu noqdo safiirka Mareykanka u qaabilsanaan doona Soomaaliya kadib markii senat-ka ay meel mariyeen bishii May.

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

July 10, 2025
Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

July 10, 2025

“Ma jiro qof naga mid ah oo ku kadshooma caqabadaha horyaala Soomaaliya, caqabadaha Soomaaliya ka jira ayaa waxaa kamid ah hanaanka siyaasadda dadaalada xasilinta soo kabashada dhaqaalaha  iyo dagaalka lagula jiro  kooxaha argagaxisadachallenges,” sidaasi waxaa sheegay kaaliyaha xoghayaha arimaha dibadda Anthony Blinken,  oo dhaarinta danjire Schwartz. Si kastaba, Soomaaliya ayaa sameysay horumar  isla markaana madaxda Soomaaliya ayaa u arka ahmiyadda koritaanka nabadda iyo xasiloonida.

Arimaha kale muhiimka u ah Soomaaliya ayaa ah in la kordhinyo xiriirka diblomaasiyadda.

“Waa waqtigii madaxda Soomaalida ay dhisi lahaayeen ciidan qaranka oo ah mid waxtar iyo awoodba leh si meesha looga saaro kooxda Al-shabaab,”  ayuu yiri Schwartz.

Magacaabista danjire Schwartz  ayaa ka dambeysay markii booqaso aan horey loo shaacin uu Soomaaliya ku tagay xoghayaha arimaha dibadda ee Mareykanka John Kerry, taas oo aheyd booqashadii ugu horeysay oo xoghaye arimo dibadeed Mareykanka ah uu ku tago Soomaaliya.

Intii uu ku guda jirey booqashadiisa May dii la soo dhaafay,  ayuu Mr. Kerry uu u muujiyay Soomaaliya in la soo celin doono xiriirkii labada dhinac ka dhaxeeyay.

Mareykanka ayaa diblomaasiyiintiisa kala baxay Soomaaliya sanadkii 1993 kolkaas oo maleeshiyaad hubeysan ay dagaal magaalada Muqdisho kula galeen ciidankii Maryeknka ee Soomaaliya joogay waxaana la soo ridey labo diyaaradood isla markaana la diley 18 kamid ah ciidanka Mareykanka.

Iyadoo wixii markaa ka dambeeyay uu dalka galay qalalaase keentay in ay abuurmaan kooxaha sida Al-shabab inkastoo sanadihii u dambeeyay laga saaray magaalooyin waa weyn ee Soomaaliya kamid ah.

Muddo sano ah Mareykanka ayaa Soomaliya ku bixinayay malaayiin dollar kuwaas oo lagula tacaalayay abaaraha, falalka burcad badeeda iyo kooxaha argagaxisada ee Al-shabab.

Dowladda Mareykanka ayaa si rasmi ah u aqoonsaday dowladda Soomaaliya sanadkii 2013.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama  horey ugu magacaabay Soomaaliya  Katherine Simonds Dhanini  in ay noqoto safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, hase yeeshee ayada ayaa sikeed u go’aansatay in ay xilkaas iska casisho sababo shakhsiyadeed uu u gaar ah.

Danjire Stephen Schwartz, ayaa ah sarkaal sare uu ka tirsan waaxda arimaha dibadda ee Mareykanka waxaa uu soo noqday ku xigeenkii ergada Mareykanka ee dalka  Zambia,  waxaana lagu bedeli doonaa James Bishop.

Xigasho: VOA

Previous Post

Guddiga tartan cilmiyeedka oo go’aamiyay in la isku celiyo tartamayaasha Wadajir iyo Yaaqshiid

Next Post

Madaxweynaha oo afur u sameeyay danjirayaasha wadamada muslimka ah ee Soomaaliya jooga-Sawirro

Next Post
Madaxweynaha oo afur u sameeyay danjirayaasha wadamada muslimka ah ee Soomaaliya jooga-Sawirro

Madaxweynaha oo afur u sameeyay danjirayaasha wadamada muslimka ah ee Soomaaliya jooga-Sawirro

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

July 10, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa maanta la kulmay Safiirka dowladda Turkiga Soomaaliya u jooga Mudane Alper...

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

July 10, 2025
0

Maxamed Xuseen Maxamed, oo ka mid ahaa maleeshiyaadka arxanka daran ee Khawaarijta, ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidamada Guutada 23-aad...

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ka warbixisay qasaaraha fatahaadaha

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka hadlay abaarta ka jirta Gobalka Awdal

July 10, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle “Xaalada abaarta gobolka Awdal si gaar ah ayaa ula socnay, waxaana ka dowlad...

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

July 10, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In