Shirkada Somalia Awards,Ayaa Xaflad ay qabatay Sanadkii labaad waxay abaalmarin siisay Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay u garatay shaqi si wanaagsan ugu adeegay shacabkiisa.
Xafladdaan oo lagu Abaalmariyay Xarumo iyo shaqsiyaad howl wanaagsan u qabtay ummadda Soomaaaliyeed, ayaa ka qabsoontay Muqdisho, waxaana kasoo qeybgaleen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Shacab kala duwan.
Guddoomiyaha golaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa ugu baaqay dadkii meesha ku sugnaa ” Wiil iyo gabdhaba waxaan u baahan nahay inaad isku duubnataan,oo aad dalkiina iyo horumarkiisa ka shaqeysaan,”.