Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa magaalada Muqdisho ku saxiixay buugga tacsida ee loo furay geerida naxdinta leh ee ku timid ganacsade Maxamed Faarax Jiis.
Guddoomiyaha ayaa ka tacsiyeeyay geerida marxuumka, isagoo ku tilmaamay shaqsi door muuqda ka qaatay horumarinta ganacsiga iyo kobcinta dhaqaalaha dalka. Wuxuu xusay in Maxamed Faarax Jiis uu ahaa ganacsade sumcad ku dhex lahaa bulshada, islamarkaana kaalin muhiim ah ka qaatay taageerada arrimaha bulshada.
Sidoo kale, Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa Alle uga baryay marxuumka inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, ehelkii iyo qaraabadii uu ka geeriyoodayna uu samir iyo iimaan ka siiyo.
Ugu dambeyn, munaasabadda saxiixa buugga tacsida ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin kale, ganacsato iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo dhamaantood muujiyay murugada ay ka qabaan geerida marxuumka.










