Thursday, January 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Si Rasmi Ah Cadaado Uga Furay Kalfdhiga Baarlamaanka Galmudug “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Si Rasmi Ah Cadaado Uga Furay Kalfdhiga Baarlamaanka Galmudug “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa magaalada Cadaado uga qeybgalay Munaasabad lagu dhaarinayey Xildhibaannada Baarlamaanka Dowlad goboleedka Galmudug oo ka kooban gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Munaasabadda oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada Cadaado waxaa kale oo kasoo qeybgalay ku dhowaad wasiir, in ka badan 30 Mudaneyaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, odayaal dhaqameedyada soo xulay Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug,musharaxiinta u tartamaya Madaxweynaha maamulka, guddiga farsamada iyo marti sharaf kale.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026

Guddoomiyaha guddiga farsamada maamul u sameynta gobollada dhexe Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yareey) oo munaasbadda ka jeedisay khudbad ay ku faah faahineysay marxaladihii kala gedisnaa ee uusoo maray dhismaha maamulkan waxaana ay xustay in guddiga farsamada ay guul weyn u tahay iney soo gebagebaayaan howshii loo xil saartay oo xilka ay ku wareejiyaan Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka dowladda Soomaaliya Mudane C/raxmaan Odawaa oo khudbad ka jeediyey munaasabadda ayaa xusay in Wasaaradda Arrimaa gudaha ay aad ugu faraxsan tahay guusha maanta laga gaaray dhismaha maamulka gobollada Mudug iyo Galgaduud wixii hada ka dambeeyana ay Wasaaraddu usoo jeesan doonto dhismaha gobollada Shabeelada Dhexe iyo Hiiraan, waxaana u u mahad celiyey maamullada Ximan iyo Xeeb iyo Galmudug oo heshiiskii ay Muqdisho ku saxiixdeen lagu dhisay maamulkan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo jeediyey khudbaddii ugu dambeysay ee Munaasabadda ayaa ugu horeyn ku dhawaaqay in uu si rasmi ah u furan yahay Kalfadhiga 1aad ee Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug waxaana uu dhanka kale tilmaamay in ay farxad weyn u tahay in maanta uu si rasmi ah u dhaqan galay istiraatiijiyad lagu dhisayo dowlad goboleedyada dalka oo horey loogu dejiyey gobollada Koonfur Galbeed oo aanay meel marin balse maanta laga hirgeliyey gobollada Dhexe.

Golaha Wakiillada dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta si rasmi ah loo dhaariyey intooda badan waxaana ay durbaba guddoon KMG ah u doorteen Xildhibaanka ugu da’da weyn oo noqday Xildhibaan C/laahi Xaashi Warsame waxaana ay maalmaha soo socda dooran doonaan Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug ee gobollada Mudug iyo Galgaduud.

DSC05316 DSC05319 DSC05323 DSC05364 DSC05377 DSC05385 DSC05410 DSC05435 DSC05457 DSC05463

—-DHAMMAAD—-

Previous Post

Madaxweynaha: ‘’Waan soo dhoweynayaa tallaabada Madaxweynaha Kenya uu ku doonayo in la qaado xayiraadda saaran xawaaladaha’’

Next Post

Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulmay Saraakiisha ciidanka X.D.S, kuna booriyay adkeynta amniga “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulmay Saraakiisha ciidanka X.D.S, kuna booriyay adkeynta amniga “SAWIRRO”

Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulmay Saraakiisha ciidanka X.D.S, kuna booriyay adkeynta amniga "SAWIRRO"

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho shaqo ku jooga dalka Qatar, ayaa maanta ka qeybgalay...

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hussein Ali Haji, ayaa maanta ka degay...

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

January 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad...

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

January 22, 2026
0

Waxaa Magaaladda Moqdisho lugu soo xiray Shirka Guddiga Qaran ee Isku-Duwidda Maareynta Abaaraha, oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In