Munaasabad uu xilka kula wareegayay guddoomiyaha cusub ee degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ayaa waxaa ka qeybgalay guddoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir ee dhanka siyaasadda, masโuuliyiin kale oo ka socda maamulka iyo qaar kamid ah dadweynaha degmadaasi ayaa lagu qabtay xarunta degmada Kaxda.
Guddoomiyihii hore ee degmada KaxdaC/ladiif Xasan Badawi ayaa xilka ku wareejiyay guddoomiyaha cusub mudane Ismaaciil Maxamed.
Mudane Maxamed Axmed Diiriye oo ah guddoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Banaadir oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in isbedelka xilalka uu qeyb ka yahay ka shaqeynta horumarka, isagoo sheegay in loo baahan yahay in lala shaqeeyo guddoomiyaha cusub.
Guddoomiyaha cusub ee degmada Kaxda mudane Ismaaciil Maxamedย ayaa sheegay in howsha halkeedi ka sii wadi doono, waxaana uu ka codsaday bulshada ku dhaqan degmada iyo maamulka gobolka ay kala shaqeeyaan horumarka degmada.