Wednesday, March 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha G/Benaadir oo xariga ka jaray Xafiiska Adeegga Bulshada ee Degmada Yaaqshiid

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha G/Benaadir oo xariga ka jaray Xafiiska Adeegga Bulshada ee Degmada Yaaqshiid
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 12, Abriil 2018–Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo maanta xariga ka jaray xafiiska adeegga ee degmada Yaaqshiid ayaa balan qaaday in shacabka ku nool Caasimadda loo dhaweyn doonno adeegyada uu bixiyo maamulka gobolku, si loogu fududeeyo howlaha ay uga baahan yihiin xarunta dhexe ee dawladda hoose.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in markii hore adeegyada uu bixin doonno xafiiskan loo aadi jiray xarunta dawladda hoose, balse hadda wixii ka danbeeya shacabka ku nool degmada Yaaqshiid ay ka heli doonaan degmadooda, tani oo qeyb ka ah qorshaha maamulka gobolka ee loogu dhaweynayo shacabka dawladdnimada. Waxana kamid ah adeegyada uu xafiisku bixin doonno, shatiyada, dhalashada iyo sugnaanta, kaarka aqoonsiga ee dawladda hoose, Nootaayooyinka iyo adeegyada kale ee aas,aasiga ah.

Related posts

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

March 18, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

March 18, 2026

“Anaga oo ka duuleyna balan-qaadkeennii ahaa in shacabka loogu adeeggo si daacad ah, kana shaqeyno maamul wanaagga, waxaan maanta xariga ka jarnay xarunta adeegyada ee degmada Yaaqshiid oo kaalin mugleh ka geysan doonta shaqooyinkii ay shacabku uga baahan yihiin dawladda Hoose”.Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan oo weheliyo Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa kormeer ku sameeyey qaar kamid ah xaafadaha degmada Shibis oo saameyn ku yeesheen roobabkii dhowaan ka da’ay Muqdisho, isagoo xusay in maamulkiisu gacan siinayo shacabkii uu roobku saameynta ku yeeshay, isla markaana ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in la garab istaago dadka uu khasaaruhu soo gaaray.

Previous Post

Guddoomiye Yarisow “Ujeedka Safarkii aan ku tagnay Turkiga wuxuu ahaa sidii shacabka Muqdisho loogu heli lahaa adeegyadii Asaasiga ahaa”

Next Post

Dhageyso warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka Subax ee Radio Muqdisho

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

March 18, 2026
0

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo kaashaneysa Hay’adda Al-Mahasin Foundation, ayaa maanta si rasmi ah u soo...

Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

March 18, 2026
0

Gudoomiyaha Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa soo bandhigay qeyb ka mid ah istiraatiijiyadda cusub ee...

Hay’adda SoDMA oo deeq gargaar ah ugu qeybisay Baydhabo qoysas danyar ah

Hay’adda SoDMA oo deeq gargaar ah ugu qeybisay Baydhabo qoysas danyar ah

March 18, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA, iyo Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa maalintii labaad magaalada...

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

March 18, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), waxay si dhow ula socotaa xaaladaha ka soo cusboonaaday...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In