Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Faysal Sheekh Cali oo ay wehliyeen Taliyaha Qaybta Booliska, Gobalka Mudug, Taliyaha hawlgalinta Ciidanka Booliska Gobalka iyo qaar kamid ah taliyayaasha saldhigyada. ayaa kormeer ku sameeyay xarumaha nabadgalyada, baraha koontaroolada iyo qayb kamid ah ganacsiga iyo goobaha dhalinyaradu ku caweeyaan isagoo u kuurgalaya xaalada Amni ee Gaalkacyo iyo Wada shaqeynta Bulshada iyo Ciidamada Amniga
Guddomiyaha ayaa la kulmay gaadiid si sharci daro ah u dhexmaraya magaalada oo ay qabteen ciidanka ilaalada waddooyinka.
Gudoomiyaha ayaa waraystay dadka xaafadaha iyo dhalinyarada ku Caweeya Xiliyada Habeenkii ah goobaha magaalada waxaa kale oo gudoomiyuhu la kulmay sarakiisha Booliska kana dhagaystay warbixin ku saabsan maxaabiis ku eedeeysnaa ah dhaca Taleefanada iyo wixii la mid ah oo ay soo qabteen Ciidamada Booliiska Galkacyo ee Puntland
Ugu dambayn guddoomiyaha ayaa taliyahaasha kula dardaarmay inay ka shaqeeyaan adkaynta amniga magaalada Gaalkacyo ayna sii xoojiyaan Qorshaha ugu weyn ee ah la dagaallanka Argagixisada iyo ka ganacsiga maandooriyaha oo uu sheegay in xiriir aad u weyn uu ka dhaxeeyo Khawaarijta Arxan laawayaashaa Al Shabaab iyo kuwa ka ganacsatada Ama isticmaala Maandooriyaha