Saturday, December 20, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo daah furay ololaha Nadaafadda caasimadda 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
4 months ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo daah furay ololaha Nadaafadda caasimadda 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa daahfuray mashruuca ololaha nadaafadda caasimadda ee dib-u-soo-celinta bilicda magaalada, kaas oo laga bilaabay waddada dheer ee Wadnaha, gaar ahaan qeybta u dhaxeysa degmooyinka Shibis iyo Yaaqshiid.

Ololahaan waxaa ka qeybgalay wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka, xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka, madaxda maamulka gobolka iyo shaqaalaha dowladda hoose ee Xamar.

Related posts

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

December 19, 2025
Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

December 19, 2025

Guddoomiye Muungaab ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in Muqdisho la gaarsiiyo heerka caasimadaha horumaray, isagoo xusay in waaxda nadaafadda laga dhigi doono mid si joogto ah u shaqeysa, laguna xoojin doono tiro iyo tayo ahaanba.

Wuxuu sidoo kale ballan qaaday isla xisaabtan dhab ah oo lala yeelanayo shirkadaha bah-wadaagta la ah maamulka ee ka shaqeeya nadaafadda, isagoo xusay in saddex boqol oo aqoonyahan ah loo wareejiyay waaxda nadaafadda si ay ololaha u fuliyaan.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha ayaa sheegay in maamulka uu dhowaan la imaan doono qalab casri ah oo lagu shaqeeyo, isla markaana la hirgelin doono sharciga nadaafadda, isagoo bulshada ku dhiirrigeliyay inay ka qeybqaataan sugidda amniga iyo bilicda caasimadda.

Previous Post

Soomaaliya oo ka qaybgalay shirka hagidda Istiraatiijiyadda EAC 

Next Post

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Dekedda Muqdisho ku soo dhaweeyay Safiirka Dowladda UK

Next Post
Wasiirka Maaliyadda XFS oo Dekedda Muqdisho ku soo dhaweeyay Safiirka Dowladda UK

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Dekedda Muqdisho ku soo dhaweeyay Safiirka Dowladda UK

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

Dadweynaha oo maanta oo Jimco ah fursad loo siiyay qaadashada kaarka codbixinta

December 19, 2025
0

Maanta oo Jimco ah waxaa dadweynaha  fursad loo siiyay in ay qaataan kaarka codeynta,kaas oo si habsami leh uga socda...

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday bukaanno loo qorsheeyay in loo qaado Masar

December 19, 2025
0

Wasiirka Caafimaadka XFS Dr.Cali Xaaji Aadan Abuubakar iyo mas’uuliyiin kale ayaa xalay Cisbitaalka Degfeer ku booqday qoysa Soomaali ah oo...

Ciidanka Boliiska oo isu diyaariyay Xuska 82-aad ee ka soo wareegatay aas aaska Ciidanka

Ciidanka Boliiska oo isu diyaariyay Xuska 82-aad ee ka soo wareegatay aas aaska Ciidanka

December 19, 2025
0

Muqdisho(SONNA):-Booliska Soomaaliya oo diyaargarow ugu jira Xuska Sanad Guurada 82-aad ee kasoo wareegatay Aas Aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Taliyaha Ciidanka...

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

December 18, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta tababar usoo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In