Monday, April 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo guddi u saaray aaska guddoomiyihii degmada Hodan oo xalay lagu dilay Muqdisho

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
5 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo guddi u saaray aaska guddoomiyihii degmada Hodan oo xalay lagu dilay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

War qoraal ah, oo ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in guddoomiye Cabdixakiim Cabdiraxmaan Ciise (Dhaga juun) oo ku dhintay is rasaaseyn dhex martay ilaalada guddoomiyaha iyo ciidanka amniga abaare labadii habeenimo xalay.

Qoraalka ka soo baxay guddoomiye Cumar Filish ayaa u qornaa sida;

Related posts

Sawirro: Kulan lagu heshiisiiyey beelo walaalo ah oo ku dagaalay Mudug ayaa lagu qabtay Muqdisho

Sawirro: Kulan lagu heshiisiiyey beelo walaalo ah oo ku dagaalay Mudug ayaa lagu qabtay Muqdisho

April 26, 2026
Wejiga labaad ee wadatashiyada Qorshaha Qaran ee Dhallinyarada oo la soo gabagabeeyay

Wejiga labaad ee wadatashiyada Qorshaha Qaran ee Dhallinyarada oo la soo gabagabeeyay

April 26, 2026

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Md. Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) iyo dhamaan Madaxda Sare ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar, waxa ay Tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Qoyskii, Qaraabadii, Saaxiibadii iyo Bulshada Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allaha U naxriisto Guddoomiyahii Degmada Hodan Marxuum Cabdixakiim Cabdiraxmaan Ciise (Dhaga-juun).

Allah u naxariistee, guddoomiyaha Cabdixakiim, ayaa habeenkii xalay abaarihii 2dii iyo daqiiqado lagu dilay inta u dhaxeysa Isgoyska Howlwadaag iyo Isgoyska Jidka Aadan Cadde, kadib markii ay is-rasaaseen dhex martay ciidan halkaasi ku sugnaa, waxaana dhacdadaasi ku dhaawacmay labo askari oo ilaaladiisa ka mid ahaa, kuwaasi oo eebe loogu baryayo in uu caafimaad deg deg ah siiyo.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho waxa uu faray dhamaan Hey’addaha Amaanka ee Gobolka Banaadir in baaris rasmi ah lagu sameeyo dhacdadaasi si loo helo cadaalad, la iskulana xisaabtamo Mas’uuliyadda shaqaaqada uu ku geeriyooday Allaha u Naxristo Marxuum Cabdixakiim Cabdiraxmaan Ciise (Dhaga-juun).

Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir waxa uu si deg deg ah u Magacaabay Guddi isu-duwa kana shaqeeya Aaska iyo Tacsida Marxuumka.

1- Guddoomiye Kuxigeenka 1-aad ee Maamulka Gobolka Banaadir ahna Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud “Caana-booro” (Guddoomiyaha Guddiga)

2- Mukhtaar Maxamed Cali (Dhaga-Cade)

3- Muuse Cali Eybakar

4- Saalax Xasan Cumar

5- Yaasiin Cismaan Jimcaale

6- Seynab Maxamuud Xaabsey

7- Mustaf Cali Kheyre

Guddigaan ayuu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho farayaa in sida ugu haboon loo maamuuso, Tacsida iyo Aaska Allaha u naxriisto Marxuum Cabdixakiim Cabdiraxmaan Ciise (Dhaga-juun).

Innaa lillaah wa innaa illeehi raajicuun.

Previous Post

Madaxweynaha 46-aad ee Maraykanka oo la dhaariyay

Next Post

Wasiirka arrimaha dibadda oo la kulmay madaxweynaha kalafadhiga 75 aad ee Qaramada Midoobay

Next Post
Wasiirka arrimaha dibadda oo la kulmay madaxweynaha kalafadhiga 75 aad ee Qaramada Midoobay

Wasiirka arrimaha dibadda oo la kulmay madaxweynaha kalafadhiga 75 aad ee Qaramada Midoobay

Sawirro: Kulan lagu heshiisiiyey beelo walaalo ah oo ku dagaalay Mudug ayaa lagu qabtay Muqdisho

Sawirro: Kulan lagu heshiisiiyey beelo walaalo ah oo ku dagaalay Mudug ayaa lagu qabtay Muqdisho

April 26, 2026
0

26 April, Muqdisho – Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay shir ballaaran oo ay isugu yimaadeen siyaasiyiinta, isimada dhaqanka, cuqaasha,...

Wejiga labaad ee wadatashiyada Qorshaha Qaran ee Dhallinyarada oo la soo gabagabeeyay

Wejiga labaad ee wadatashiyada Qorshaha Qaran ee Dhallinyarada oo la soo gabagabeeyay

April 26, 2026
0

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo gabagabeysay wejigii labaad ee wadatashiyada Qorshaha Qaran ee Dhallinyarada, Nabadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Hay’adda Maalgashiga Cumaan

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Hay’adda Maalgashiga Cumaan

April 26, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kulan heer sare ah kula yeeshay magaalada...

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee Xuquuqul Insaanka oo la kulantay wafdi ka socday Hay’adda CIVIC

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee Xuquuqul Insaanka oo la kulantay wafdi ka socday Hay’adda CIVIC

April 26, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuql Insaanka Qaranka, Dr Maryan Qasim ayaa kulan heer sare ah la yeelatay wafdi ka socda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In