Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare oo la Kulmay Xubno ka socda Golaha Naafada Qaranka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare oo la Kulmay Xubno ka socda Golaha Naafada Qaranka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankan uu Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya la qaatay xubnaha ka socda golaha naafada qaranka ayaa waxa uu ka dhacay xarunta golaha aqalka sare ee magaalada Muqdisho.

 

Related posts

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Dowladda oo War-saxaafadeed ka soo saartay hannaanka Amniga

February 1, 2026
Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

February 1, 2026

Guddoomiyaha Golaha Naafada Qaranka Cabdullaahi Macalin Axmed oo ugu horeyn kulanka ka hadlay ayaa ka sheekeeyay Taariikhda naafada Qaranka ay soo mareen, iyadoo Guddoomiyaha golaha aqalka sare uu ka codsaday inay arkaan qoraalka hindise sharciyeedka Hay’adda daryeelka naafada.

“Naafada qaranka waxay lahaayeen guryo ay degaan, goobo ay wax ku bartaan, tan kale hindise sharciyeedka golaha daryeelka naafada waxaan u baahanahay in aan aragno inta aan la ansixin, ee Hay,adda daryeelka naafada la samaynayo madaxdiisa ma la magacaabayaa mise doorasho ayay ku imaanayaa”ayuu yiri C/laahi Macalin Axmed.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa sheegay in Baarlamaanka sharci uu sameynayo ayna ku dadaali doonaan samaynta sharci u dooda xuquuqda naafada oo ay talooyin badan ku yeelan doonaan.

“Baarlamaanka wuxuu sameynayaa sharci ilaaliya xuquuqdiina balse ku dadaala in aad noqotaan dad mid ah oo isku duuban” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Dhawaan ayay Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ansixyeen xeerka dhismaha Hay,adda daryeelka naafada waxaana loo gudbiyay Golaha Shacabka BFS iyadoo ugu danbayna loo gudbin doono golaha aqalka sare Baarlamaanka Soomaaliya marka ay meel mariyaan loo gudbin doono Madaxweynaha Dalka.

Previous Post

Soomaaliya maxay uga dhigantahay ku biiritaanka Ururka Ganacsiga ee COMESA?

Next Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Guddiga Garsoorka, Awqaafta iyo Diinta ee Golaha Shacabka “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Guddiga Garsoorka, Awqaafta iyo Diinta ee Golaha Shacabka “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Guddiga Garsoorka, Awqaafta iyo Diinta ee Golaha Shacabka "SAWIRRO"

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Dowladda oo War-saxaafadeed ka soo saartay hannaanka Amniga

February 1, 2026
0

Dowladda Soomaaliya waxay masuuliyadi ka saaran tahay amniga iyo badqabka muwaadiniinta, si taa loo fuliyo, xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay hore...

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

February 1, 2026
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay masuuliyiinta hoos ku xusan xilalka Guddoomiye Ku-xigeennada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed:...

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Go'aan kasoo baxay xafiiska Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa looga joojiyay ka-qeybgalka kulamada...

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa soo saaray go’aanno rasmi...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In