Tuesday, November 18, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Guddiga Garsoorka, Awqaafta iyo Diinta ee Golaha Shacabka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Guddiga Garsoorka, Awqaafta iyo Diinta ee Golaha Shacabka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta la kulmay Guddiga Garsoorka, Awqaafta iyo Diinta ee Golaha Shacabka.

 

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo shir heer Qaran ku soo xiray Muqdisho

Guddoomiyaha SoDMA oo shir heer Qaran ku soo xiray Muqdisho

November 18, 2025
Guddiga Dowladnimada Danabeysan oo kulan muhiim ah yeeshay

Guddiga Dowladnimada Danabeysan oo kulan muhiim ah yeeshay

November 17, 2025

Kulanka waxaa looga hadlay arrimaha Xajka, xaaladaha xabsiyada dalka, sharciyada Guddiga ay gacanta ku hayaan iyo qodobo kale.

Sidoo kale Guddiga ayaa Guddoomiyaha la wadaagay xaaladda ay ku sugan yihiin maxaabiista xabsiyada dalka ku xiran iyo xaaladda guud ee xabsiyada dalka.

Guddiga ayaa soo bandhigay jadwalka ay ku shaqeynayaan iyo kulamo ay la yeesheen qeybaha kala duwan ee bulshada.

Guddoomiyaha golaha shacabka ee BFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa guddiga ku bogaadiyay howsha ay wadaan.

Guddoomiyaha ayaa guddiga faray in si deg deg ah loo xaliyo cabashada xujeyda Soomaaliyeed.

”Kulankeena maanta waxa uu ahaa kulan muhiim ah, Xubnaha guddiga waxa kula dardaarmay iney si laba jibaaraan shaqooyinka ay hada hayaa, aad aya ugu qancay warbixinta ay ila wadaageen” ayuu yiri guddoomiyaha golaha shacabka.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad iyo Habdhowraha golaha shacabka Mudane Maxamed C/llaahi Xasan (Nuux).

Ugu dambeyn guddoomiye Maxamed Mursal iyo guddiga aya si qoto dheer kaga hadlay sharciyada ay diyaarinaya guddiga iyo la xisaabtanka wasaaradaha guddigaan ay shaqada kala dhaxeyso.

 

 

Previous Post

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare oo la Kulmay Xubno ka socda Golaha Naafada Qaranka “SAWIRRO”

Next Post

Ciidamada ammaanka koonrfur galbeed oo wado howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab “Dhageyso”

Next Post
Ciidamada ammaanka koonrfur galbeed oo wado howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab “Dhageyso”

Ciidamada ammaanka koonrfur galbeed oo wado howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab "Dhageyso"

Guddoomiyaha SoDMA oo shir heer Qaran ku soo xiray Muqdisho

Guddoomiyaha SoDMA oo shir heer Qaran ku soo xiray Muqdisho

November 18, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo xiray shir heer Qaran...

Guddiga Dowladnimada Danabeysan oo kulan muhiim ah yeeshay

Guddiga Dowladnimada Danabeysan oo kulan muhiim ah yeeshay

November 17, 2025
0

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha waxaa maanta ka qabsoomay kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Dowladnimada Danabeysan, guddigan oo uu Ra’iisul Wasaare Xamse...

Xildhibaanada labada Aqal ee BFS oo Akhrinta labaad marsiiyay xisaab xirka sanad miisaaniyadeedkii 2024

Xildhibaanada labada Aqal ee BFS oo Akhrinta labaad marsiiyay xisaab xirka sanad miisaaniyadeedkii 2024

November 17, 2025
0

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka, iyagoo ka...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

November 17, 2025
0

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa xarunta Madaxtooyada Baydhabo kula kulmay Safiirka Midowga Yurub ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In