Friday, August 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya maxay uga dhigantahay ku biiritaanka Ururka Ganacsiga ee COMESA?

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Soomaaliya maxay uga dhigantahay ku biiritaanka Ururka Ganacsiga ee COMESA?
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

August 28, 2026
Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

August 27, 2026

Soomaaliya ayaa dhawaan ku biirtay Ururka Comesa, kadib shir ay isugu yimaadeen wadamada ku midaysan ururkaasi, kaasi oo ka dhacay magaalada Losaka ee caasimadda dalka Zambia.

 

Waxaa shirkaasi ka qeybgalay wafdi uu hoggaaminayay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Kahyre, iyadoo shirkaasi lagu ansixiyey xubinnada Soomaaliya ee ururka baayacmushtarka ee Bariga iyo Koonfurta Afrika.

Dowladaha ku bohoobay ururkaasi ayaa gaaraya ilaa 21-dal, waxaana dhawaan sidoo kale ku biirtay Dowladda Tunisia, waxaana tani ay fursad u tahay Soomaaliya oo haatan ka soo kabanaysa burbur muddo 20-sano ka badan uu dalka kujiray, sidaasina waxaa aaminsan aqoonyahano dhaqalaaha ku xeel dheer.

C/casiis Axmed Ibraahim oo ah dhaqaalyahan Soomaaliyeed ayaa sheegay in Soomaaliya ay fursad u tahay xubinimada Ururka Comesa.

“Dabcan marka laga hadlaayo ganacsiga waa wax is dhaafsi waxaa jirta aragti ku salaysan in dalka uu difaaco wuxuu soo saaro islamarkanaa uu dhoofiyo,ku biiritaanka Soomaaliya ee ururkaan ma ahaan markii ugu horeysya waxaa jiray mid kan ka horeeyey balse burburkii dhacay dartiisa uu inoo saameeyey,magacii ayaa haatan la bedelay oo loo bixiyay Comesa,Soomaaliyan waxay xaq u leedahay in ay ku biro ururkaasi,iyadoo xubinnimadeeda ay soo ceshanayso ee ku biirid ma ahan”.Ayuu yiri C/casiis.

Wuxuu sidoo kale sharaxaad dheeraad ah ka bixiyay habka ay Soomaaliya uga faa’idaysan karto iskaashigaasi ganacsi iyo kamid ahaanshiyaha Ururka Comesa ee Bariga iyo Bartamaha Afrika.

“Marka aan ka jawaabo maxaan ka faa’idaynaa iyo maxaan ka qasaaraynaa,marka hore dal keligiisa ma taagnaan karo marka laga hadlaayo xagga ganacsiga,tusaalse waxaan leenahay dhul ballaaran oo ku fiican ganacsiga, sidaa wax soo saarka Badda iyo Beriga intuba,dhaqashada xoolaha,waxaan sidoo kale u baahanahay maalgashiga iyo wax soo iibsi marka ururkan wuxuu naga saacidayaa waxbadan in aan talaabo qaadno”. ayuu sii raaciyay Aqoonyahanka.

https://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2018/07/Cabdicasiis-Axmed-Ibraahim-Dhaqaalayahan-Soomaaliyeed-.mp3

Xigasho Wakaaladda SONNA

 

Previous Post

Akhriso: Nuxurka kujira warmurtiyeedka shirkii iskaashiga Soomaaliya ee Brussels

Next Post

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare oo la Kulmay Xubno ka socda Golaha Naafada Qaranka “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare oo la Kulmay Xubno ka socda Golaha Naafada Qaranka “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare oo la Kulmay Xubno ka socda Golaha Naafada Qaranka "SAWIRRO"

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

August 28, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay xubno ka...

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

August 27, 2026
0

Golaha Wasiirrada XFS ayaa kulankoodii maanta ku ansixiyey in Mudane Cabdulqaadir Cali Macallin Cabdullaahi uu noqdo xubin Guddiga Madaxa-bannaan ee...

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

August 27, 2026
0

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadantinimada ayaa maanta booqasho kormeer ah ku tagtay Xarunta...

AFRICA’S FRONTLINE FIGHT AGAINST FGM NEEDS FUNDING

AFRICA’S FRONTLINE FIGHT AGAINST FGM NEEDS FUNDING

August 27, 2026
0

Africa already has proven frontline/survivor led models that are working to end Female Genital Mutilation (FGM). The urgent question is...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In