Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA MALAAQ YUUSUF CABDIYOW MACALLIN.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
March 15, 2021
in Wararka
0
MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA MALAAQ YUUSUF CABDIYOW MACALLIN
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA MALAAQ YUUSUF CABDIYOW MACALLIN.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaanna bulshada iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, geerida ku timid Alle ha u naxariistee, Malaaq Yuusuf Cabdiyow Macallin Aadan oo caawa ku geeriyoodey magaalada Baydhabo.

Related posts

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa tilmaamay in Marxuumku uu ka mid ahaa odayaashii dhaqanka ee bulshada Soomaaliyeed ka soo gudbiyey marxaladihii adkaa, isaga oo door weyn ka soo qaatay dib u dhiska dowladnimada, xasilloonida, dib u heshiisiinta bulshada iyo dhammaan dadaalladii geeddi socodka nabadda ee xal u raadinta dhibaatooyinka dalkeenna ka dhacay.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Alle ha u naxariistee Malaaq Yuusuf Cabdiyow Macallin Aadan oo ka mid ahaa tiirarka dhaqanka bulshada Soomaaliyeed oo caawa ku geeriyooday magaalada Baydhabo. Malaaqu waxa uu ka mid ahaa tiirarka nabadda iyo dhaqanka ee bulshada Soomaaliyeed. Sidoo kale, Marxuumku waxa uu qayb ka ahaa dadaalladii dowlad dhiska iyo nabadaynta Dalkeenna.”

Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa, qaraabadiisa iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

Previous Post

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA MALAAQ YUUSUF CABDIYOW MACALLIN

Next Post

Talaalkii ugu horeeyay ee COVID-19 oo Soomaaliya la keenay +Sawirro

Next Post
Talaalkii ugu horeeyay ee  COVID-19 oo Soomaaliya la keenay +Sawirro

Talaalkii ugu horeeyay ee COVID-19 oo Soomaaliya la keenay +Sawirro

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa qaaday howlgallo qorsheysan oo ka dhacay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan...

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee hay’adda ku qaabilay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

July 12, 2025
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud , oo booqasho ku joogo dalka Turkiga, ayaa maanta xarunta madaxtooyada dalkaas kula...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

July 12, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada JFS, Mudane Maxamed Axmed Aadan Macalin, ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland kaga qaybgalay kulanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In