Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil ayaa kaga qaybgashay aaladda fogaan aragga shirweyne caalami ah oo looga hadlayay saameynta cudurka safmarka ah ee COVID-19 ku yeeshay tageerada caalamiga ee la siiyo Doorashooyinka.
Guddoomiye Xaliimo oo hadal ka jeedisay shirkan ayaa ka warbiixisay saameynta cudurka COVID-19 ku yeeshay hanaanka diyaar garowga Doorashooyinka Soomaaliya 2020/2021 iyo sidoo kale taageerada farsamo iyo dhaqaale ee Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannan ee Doorashooyinka Qaranka ka helo hay’adaha caalamiga.
Shirkan oo ay soo qaban qaabiyeen xafiiska heer gobol ee Qaramada Midoobay u qaabildan Barnaamijyada Horumarinta UNDP ayaa waxaa sidoo kale lagu soo badhigay doodo khibrad wadaag ah oo la xiriira sida Guddiyada Doorashooyinka iyo hay’adaha tageera ay iskaga kaashan karaan in la abuuro nidaam sahlaya in doorashooyinka qabsoomaan, iyadoo la ilaalinayo badqabka caafimaad ee dadweynaha ka qaybqaadanaya Doorashooyinka.