Monday, January 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Oo La Kulmay Mas’uuliyiin KaTirsan KG

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Oo La Kulmay Mas’uuliyiin KaTirsan KG
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka  Soomaaliyeed mudane Maxamuud Macalin Cabdulle iyo Wafdi uu hogaaminayo oo maanta gaaray Baydhabo ayaa kulan la qaatay Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ahna Wasiirka gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Mudane Cabdinaasir Cabdi Caruus.

Shirka ayaa looga hadley sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta hay’adaha gargaarka ee Gurmadka ka wada Koonfur Galbeed iyo Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed .

Related posts

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 25, 2026

Hay’adda  Maareynta Musiibooyinka Qaranka iyadoo  kaashaneysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta  Musiibooyinka KGS ayaa  Diyaarado gargaar Raashin ah sida gaarsiisey Degmooyinka Xudur iyo Baydhabo, kuwaasi oo loogu tala galey in la gaarsiiyo Dadka ay Abaartu saameysay ee ku nool Deegaannada Koonfur Galbeed .

Gudoomiyaha Guddiga Gurmadka Abaarha Dowladda Koonfur Galbeed ahna Wasiirka gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Koonfur Galbeed Mudane Cabdinaasir Cabdi Caruush ayaa ugu Mahadceliyey Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka  Garmadka ay soo gaarsiiyeen KG, wuxuuna balan qaadey in ay gaarsiin doonaan Dadkii loogu talagaley.

Gudoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka  Soomaaliyeed Mudane Maxamuud Macalin Cabdule ayaa xusay in gargaarka Raashinka ay soo gaarsiiyeen Degmooyinka Xudur iyo Baydhabo uu yahay mid loogu talagalay in lagu caawiyo bulshada ay abaaruhu saameeyeen.

Guddiga Gurmadka Abaarha Dowladda Koonfur Galbeed  ayaa wada dadaallo Gurmad lagu gaarsiineyo Qoysaska Abaartu saameysay ee ku Nool Deegaanada Koonfur Galbeed.

Previous Post

Wasiirka waxbarashadda ee XFS oo soo xiray shirka wadatashiga Qaran ee sameynta sharciga illaaalinta goobaha Hidda-dhaqanka.

Next Post

Madaxweynaha Galmudug Oo Saxiixay Sharciyenta Degmooyinka Baxdo iyo Wisil

Next Post
Madaxweynaha Galmudug oo saxiixay shuruuc muhiim ah oo uu Barlamaanka Galmudug meelmariyey

Madaxweynaha Galmudug Oo Saxiixay Sharciyenta Degmooyinka Baxdo iyo Wisil

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 25, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee  lagu qabtay Spain

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee lagu qabtay Spain

January 25, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa ka warbixiyay Bandhigga Carwada Caalamiga ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

January 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda dowladda Turkiga oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In