Tuesday, December 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo shir caalami ah uga qeybgashay Kenya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo shir caalami ah uga  qeybgashay Kenya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Marwo Safiyo Xasan Maxamed ayaa magaalda Nairobi uga qeyb gashay shir Caalami ah oo ku saabsan horumarinta jawiga maalgashiga iyo xoojinta dhaqaalaha qaxootiga soo laabtayaasha, barakacayaasha iyo bulshooyinka martida loo yahay.

Shirka ayaa waxaa kasoo qeyb galay hay’adaha caalamiga iyo kuwa heer gobol ee daneeya arrimaha qaxootiga, soo laabtayaasha iyo barakacayaasha.

Related posts

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

December 15, 2025
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

December 15, 2025

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga Barakacayaasha Qaranka Marwo Safiyo Xasan Maxamed ayaa uga warbixisay ka qaybgalayaasha qaabka dowladda Soomaaliya ay u wajaheyso wax ka qabashada arrimaha qaxootiga, soo laabtayaasha iyo barakacayaasha, iyada oo loo sameynayo maalgalin, xoogan shaqo abuur iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha kaasi oo lala kaashanaayo hay’adaha caalamiga iyo kuwa heer gobol ee daneeya arrimaha qaxootiga, soo laabtayaasha iyo barakacayaasha.

Sidoo kale Gudoomiye Safiyo ayaa sheegtay kaalinta ay ku leeyihiin shirkadaha iyo Bangiyada gaarka loo leeyahay horumarinta, maalgalinta iyo Shaqo abuurka qaxootiga, soo laabtayaasha iyo barakacayaasha.

Shirka oo socon doona muddo afar maalin ah waxaa xooga lagu saari doona sidii loo yareeyn lahaa shaqo la’aanta iyo duruufaha ay wajahayaan qaxootiga, soo laabtayaasha iyo barakacayaasha wax looga qaban lahaa.



Previous Post

Militeriga Soomaaliya iyo Uganda oo iska kaashanaya la dagaallanka Argagixisada

Next Post

Strengthening Climate Resilience Through Collaborative Partnerships: A Blueprint for Somalia΄s Future

Next Post
Strengthening Climate Resilience Through Collaborative Partnerships: A Blueprint for Somalia΄s Future

Strengthening Climate Resilience Through Collaborative Partnerships: A Blueprint for Somalia΄s Future

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

December 15, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 22-aad. Kulanka waxaa...

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

December 15, 2025
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa daahfuray kulan aqoon-is-weydaarsi ah oo ku saabsan hagaajinta...

Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay Mashaariic Muhiim u ah Dadweynaha Caasimadda

Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay Mashaariic Muhiim u ah Dadweynaha Caasimadda

December 15, 2025
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta hoggaamiyay munaasabadda dhagax-dhigga xarumo muhiim u...

Hay’adda Tirakoobka oo daah furtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka

Hay’adda Tirakoobka oo daah furtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka

December 15, 2025
0

Hay’adda Qaranka ee Tirakoobka Soomaaliyeed (SNBS), iyada oo kaashanaysa wasaaradaha ay wada-shaqeeyaan iyo bah-wadaagta horumarinta, ayaa si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In